|

Puntland oo eedeysay dawlada dhexe ee Soomaaliya

Garoowe December 05, 2024(QJ) – Guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamul goboleedka Puntland, Mudane. Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-gudoomiyey kalfadhiga 22-aad ee golaha 55-aad.

Kalfadhigan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nidaamka federaalka iyo tallaabo ay sharci darro u arkeen oo ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka 2012-ka.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay jabisay Dastuurkii lagu heshiiyay, iyagoo sheegay in wax ka bedelka lagu sameeyay sifo sharci darro ah.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa intaa ku daray in wax ka bedel aan la ogolayn ay keeni karto khilaaf iyo kala qaybsanaan.

Goluhu wuxuu ku nuuxnuuxsaday in falalkan ay wax u dhimi karaan nidaamka federaalka ee lagu heshiiyey.

“Si xal waara loo helo, Goluhu wuxuu go’aamiyay in dooda iyo talooyinka arrintan ku saabsan loo xilsaaro guddi gaar ah oo ka soo talo bixiya arrimaha federaalka Soomaaliya, warbixinna u soo gudbiyaan golaha wakiilada Puntland” ayuu yiri. hadalka ka soo baxay Baarlamaanka Puntland.

Comments are closed