Puntland oo Duqeyn Cirka ah u geysatay Xarun Burcad Badeed
Bali Dhidid June 07,2012(SDN)-Sarkaal ka mid ah Maamul Goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa Jariirada Washington Post u sheegay in ciidamadoodu duqeyn dhanka cirka ah u geysteen goob uu ku dhuumaaleysanayay mid ka mida madaxda Burcad badeeda Soomaalida.
Sarkaalkan oo diiday in uu magaciisa shaciyo bacdamaa oo aan loo ogoleyn in uu arinkan ka hadlo ayaa sheegay in ninkii la bartilmaansanayay uu weerarka ka badbaaday.
Ciidamada Puntland ayaa bartilmaansaday aqalka Ciise Yulux oo ah madaxa Burcada ka qawleysata xeebaha Puntland.
Sarkaalkan saxaafada uga waramay weerarakan ayaa sheegay in aqalka Ciise Yulux oo ku yaal aaga Bali Dhidid la burburiyay isla markaana sadex gaadhi oo halkaa yiilayna la gubay.
Ciidamada Puntland ayaa maalmihii u danbeeyay weerar ku qaaday degaanka Baargaal oo ka mid ah xarumaha Burcad badeeda Puntland.
Waa markii u horeysay ee la shaaciyo in ciidamada Puntland ay heystaan duyuuradaha qumaatiga u kaca.
SDN-Bali Dhidid