|

Puntland Oo Digiin U Dirtay Dawlada Somalia Warsaxaafadeed

Garoowe 08,Aug 2015 (SDN/QJ) Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka u qaabilsan maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa uga digtay xildhibaannada baarlamanka federaalka Soomaaliya meel-marinta sharciga shidaalka oo dhawaan la horgeeyey, kaasoo ay sheegeen in waddo qaldan loo maray diyaarintiisa iyo ansixintiisa.
Warsaxaafadeed uu madax Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland Ciise Maxamud Faarax Dholowaa soo saaray shalay, ayaa lagu sheegay in aanay maamul ahaan marnaba raalli ka ahayn in sharcigaas baarlamanka Soomaaliya meel-mariyo.

Dholwaa-2“Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Puntland waxay ogtahay in sharcigan cusub ee qabyada ah ay dabada ka riixaayaan shirkado shisheeye, sida SOMA OIL & GAS iyo kuwo la halmaala oo doonaya inay si sharci-darro ah ku qaataan heshiisyo cusub ama la isku-dayo in lagu xalaaleeyo heshiisyadkii hor,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka digniinta ah ee maamulka Puntland.

Sidoo kale, waxa maamul-goboleedka Puntland ku dooday in sharcigaasi ka horimanayo Dastuurka ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, sidaa darteedna aanay bannaanayn in baarlamanku ka hadlo shuruuc ku saabsan arrimaha shidaalka.

“Dastuurka dawladda Federaalka Soomaaliya ee la sameeyey 2012-kii ma siin dawladda Soomaaliyeed iyo Barlaamaanka gederaalka awood sharci oo ay ku sameeyaan shuruuc khuseysa arrimaha khayraadka dabiiciga ah ama shidaalka iyo macdanta Soomaaliya. Waxay taasi ku caddahay qodobadda 45aad iyo 55aad ee Axdiga ku-meel-gaadhka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Ugu dambeyn, maamulka Puntland waxa uu kula taliyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inuu ka fiirsado sharciga horyaal oo ay sheegeen laga yaabo dhibaato badan inuu keeno.

Digniinta maamulka Garoowe ayaa ku soo beegmay xilli dawladda Britain sheegtay inay baadhitaanno ku sameynayso shirkadda SOMA OIL & GAS oo heshiis kula jirta maamulka Muqdisho, taas oo lagu eedeeyey inay laacgo laashuush ah siisay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Comments are closed