Puntland oo Dagaalka Kismaayo masuuliyadiisa saaraty Dawlada Baaqna ka soo saartay
Garoowe June 30,2013(SDN)-War ka soo baxay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo xiisada colaadeed ee maalmihii ina dhaafay ka taagnaa magaalada Kismaayo.
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in dagaalku oo baahaa ay shacabka ku keeni doonto dhibaato baaxad leh.
Puntland waxa ay sheegtay in dagaalka ka Socda magaalada Kismaayo masuuliyadeeda leedahay dawlada dhexe ee Soomaaliya.
Kismaayo ayaa waxa ku dagaalamayay maalmihii ina dhaafay ciidamo kala taabacsan Col Bare Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo labaduba sheegtay in yihiin madaxweyneyaasha maamul halkaa dhawaan looga dhawaaqay oo la yiraahdo Jubalanad.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com