Puntland Oo Ciidammo Soo Dhoobtay Duleedka Magaalada Tuke-raq Oo Doraad Milletariga Somaliland Kala Wareegay!!
Garowe 10. January 2018 (SDN/QJ):-Ka dib, markii Ciidammada Qaranka Somaliland Maalintii doraad ay qabsadeen Degmada Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxa halkaasi ka soo baxaya Warar kala duwan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo Puntland waddo.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Maamulka Puntland oo doonaya inuu dib u qabsado Tukaraq iyo meelo kale oo ka mid ah Gobolka Sool ay Ciidammo dheeraad ah ku soo xoojiyeen Ciidammadoodii laga saaray Tukaraq, kuwaasi oo ku sugan Duleedka Galbeed ee Degmada Tukaraq.
lama hubo goorta Ciidammada Puntland doonayaan inay weerar ku qaadaan Degmada Tukaraq oo ay ku sugan yihiin Ciidammada Somaliland, balse waxa la sheegay inay Duleedka Galbeed ee Tukaraq ku sugan yihiin Ciidamo swata gaadiidka Dagaalka oo kala duwan, laakiin xilli walba waxa suurto-gal ah in mar kale Dagaal ka qarxo Tukaraq, wallow aanay Ciidammada Puntland u badheedhi karin inay la dagaalamaan Ciidammada Qaranka Somaliland ee halkaa ku sugan.
Dhinaca kale, waxa Magaalooyinka Puntland ka socda Abaabul Madaxda Maamulkaasi doonayaan inay Dadweynaha ku kiciyaan, si ay taageero ula garab istaagaan Ciidammadooda laga qabsaday Tukaraq, waxaana Shalay mid ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland uu Ciidammada Daraawiishta Puntland oo ku sugan duleedka Tukaraq uu gaadhsiiyey Xoolo nool.
Siyaasigan oo lagu Magacaabo Aadan Maxamed Ciise (Gaadalle) ayaa sheegay in Sababta ay Xoolaha nool ugu taageereen Ciidammadu tahay in Dagaalka ay kula jiraan Ciidammada Somaliland yahay mid xaq ah “Difaacani waa Xaq, wax Diintu ay qabto weeyaan, Waayo? Qofka Gurigiisa difaacayaa Xaq buu ku taagan yahay, Ciddii kula dagaalantaana dulmi ayay ku taagan tahay.”ayuu yidhi, Siyaasiga reer Puntland ee lagu Magacaabo Gaadaalle.
Taliyaha Ciidammada Puntland ee kuwa Somaliland kala wareegeen Tukaraq Jimcaale Jaamac Takar oo isaguna Warbaahinta la hadlay markii uu la wareegayey Xoolaha uu Siyaasigaasi soo gaadhsiiyey ayaa muujiyey inay ka soo horjeedaan in Ciidammada Somaliland gaadhaan Xuduudkooda “Siyaasaddii Somaliland waxay maraysaa inay ku faannaan oo ay yidhaahdaan Garoowe ayaanu tagaynaa, waxaan filayaa Kalmaddaa in laga gubi doono, reer Puntland-na waxay maqli doonaan waxay ku farxaan.”ayuu yidhi, Taliyaha Ciidammada Puntland ee ku sugan ee ku sugan duleedka Tukaraq.
Ugu dambayn, Maamul-gobolleedka Puntland oo ka cadhooday in Somaliland kala wareegtay Tukaraq oo ku taalla Gudaha Xuduudka Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay hakisay isku socodka Gaadiidka ee ay la lahayd Somaliland, gaar ahaan isku socodkii Magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood.
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Puntland Cabdillaahi Faraweyne oo Shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay joojiyeen isku socodka Gaadiidkii Dadweynaha ee Puntland ka iman jiray dhinaca Somaliland iyo kuwa Somaliland ka taga ee Puntland ku socda, arrintaasi oo uu ku sababeeyay Dagaalkii Somaliland ku qabsatay degmada Tukaraq ee Gobolka Sool.