Puntland oo Beer Laxawsi Ku Kasbanaysa Kalsoonidii Deegnaada Bariga iyo Tallaabada Dawladda Somaliland Uga Meel taal
Awr Boogays Oct 15,2012(SDN/Hubaal)- Urur laga maalgeliyo maamul goboleedka Puntland oo magaciisa la yidhaahdo Agency For Peace And Development (APD), ayaa mashaariic horumarineed loogu soo celinayo kalsoonida shacabka deegaanka u qabeen maamulkaas ka bilaabay gobolka Sool.
Ururkan ayaa shalay soo gabagabeeyay dayactir lagu sameeyay ceel-biyoodka Tuulada Awr-boogays , iyada oo ay halkaas ku sugan yihiin ka tirsan Puntland oo la sheegay in ay kormeerayaan barnaamijkaas, isla markaana ballan qaaday in xarumo ay ka samayn doonaan deegaankaas oo hoostaga degmada Xudun .
Sida aanu ka soo xiganay shabakada wararka ee Somalilandtoday.com oo warkan lagu daabacay shalay, Axmed Xasan Faarax oo ah wakiil ay wasaarada biyaha Puntland u magacowday gobolka Sool, ahna madaxa weftiga ka socda maamulkaas, ayaa kulan uu la yeeshay odayaasha dhaqanka ku sheegay in abuurayaan jawi Isfahan ku dhisan oo dhexmara dadka deegaanka iyo Puntland. Saraakiil ka socotay Puntland ayaa iyaguna dhawaan booqday degmada Kala-baydh ee gobolka Sool, halkaas ay dhagax-dhigeen dugsiyo cusub. Dawladda Somaliland ayaan iyaddu ilaa haatan wax tallaabo ah ka qaadin dhaqdhaqaaqyada lidka ku ah qaranimada ee maamulka Puntland ka wado deegaanada bariga Somaliland, marka laga reebo xubno dhawaan xabsiga loo taxaabay mar ay socdaal ku tegeen deegnaanada bariga Somaliland, gaar ahaan sanaag bari.
SDN-Awr Bogeys
contact@somalidiasporanews.com