|

Puntland oo beenisay ciidamo ku gadoodey duleedka Bosaso oo Ka Cabanaya Mushahar La’aan

Garowe 10 Sep 2015  (SDN/QJ)- Ciidamo ka tirsan ciidamada birmadka ee Puntland ayaa gadood ay sameeyeen maanta ku xiray muddo saacado ah inta u dhaxaysa kantaroolkii hore ee magaalada Boosaaso iyo kan hadda ay magaaloodu leedahay.

Ciidanka GadoodayMid ka mid ah ciidanka gadoodka sameeyey oo codsday in aan magaciisa la sheegin, ayaa VOA u sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan

Ciidanka gadooday ayaa hor-isaagtay dhammaan gaadiidkii ka baxayey magaalada Boosaaso iyo kuwii soo galayey.

Isku day lagu dooneyey in ciidanka halkaasi looga kaxeeyo oo  ay wadaan mas’uuliyiin oo ku jiro duqa magaaalada Boosaaso Maxamed Siciid Shabeel oo tagay goobta ay ciidankaasi ku sugan yihiin ayaa rabshad isku beddelay, waxaana mas’uuliyiintaas rasaas goobtaasi looga soo riday ku dhaawacmay mid ka mid ah illaallada duqa magaalada Boosaaso.

Wararka u danbeeyey ee Bossaso naga soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidanka gadoodka sameeyay ay imika halkaasi ka baxeen kadib markii xal loo helay murankii jiray, loona ballan qaaday mushaharaadkoodii.

soocadeDhinaca Kale Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo wareysi siiyey idaacada VOA ayaa beeniyey iney jiraan ciidamo ka tirsan Birmadka kuwaasoo ka cabanaya mushahar la’aan .

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegey in ciidamadooda gadoodin islamarkanaa aysan jirin mushahar la’aan laga caban karo isagoo xusey iney xuquuqdooda helaan islamarkaana yihiin kuwa diyaar u ah difaaca dalkooda.

Warka sheegaya in ciidamadaan gadoodeen ayaa wasiirka ku tilaamey kuwa la buun-buuniyey islamarkaana uusan ka warheyn warar sheegaya inuu jirto cabsho noocaan ah. Wareysiga Wasiirka warfaafinta ayaa yimid kadib markii maanta ciidamo ka tirsan kuwa Birmadka ka howlgala magaalada Bosaso qabsadeen bar kontrool oo ku taal magaalada Bosaso.

 

Comments are closed