|

Puntland oo Baafisay Madaxda Laamaha Warbaahinta iyo arimo is weydiin dhaliyay

Garowe 05.July 2015 (SDN/QJ)- Farrriin ka timid Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo laga baahiyey Telefishinka ku hadla afka Dowladda Puntland (PLTV), ayaa lagu baafiyey magacyada ku dhowaad labaatan mas’uul oo kamid ah madaxda warbaahinta madaxa bannaan ee ka hawlgasha Puntland.

warbaahintaMas’uuliyiinta la baafiyey oo u badan agaasimeyaasha idaacadaha, telefishinnada iyo mareegaha internetka, waxaa lagu amray inay ka soo qayb galaan kulan maalinta Talaadada ee soo aaddan (July 7, 2015) ka dhici doona xarunta wasaaradda ee Garowe, arrintaas oo dad badan layaab ku noqotey.

Su’aasha aadka laysu weydiinayo ayaa ah sababta ku kalliftey Wasaaradda Warfaafinta in ay warbaahin caalami ah ka baafiso dad si fudud loogu wargelin karey inay kulankaas soo xaadiraan.

Sidoo kale, qaar badan oo kamid ah bahda warbaahinta Puntland ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid aan munaasib ahayn islamarkaana meel ka dhac ku ah baratakoolka dowliga ah.

Dhanka kale, arrintan ayaa noqotey mid si weyn loogu faalleeyey baraha bulshadu ku xiriirto gaar ahaan Facebook.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed