Puntland Gobolka Bari Oo Kaliya Ma Kafeeyo: Mudug Iyo Nugaal Waa In Ay Qarashka Wax Ka Bixiyaan
Ilaa iyo intii Dowlada Federaalka Soomaaliya madaxdeeda ugu saraysa ay ku dhawaaqeen in ay maamul loo dhan yahay laga samayn doono Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaa soo if baxaaya warar cadaynaya in maamulada GalMudug iyo Puntland aysan raali ka ahayn go’aanka Dowlada Federaalka Soomaaliya gaartey.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa dadka u dhuundaloola siyaasada Federaalka ka yaabiyey sababta keentay in labada maamul ee GalMudug iyo Puntland ay ka soo horjeestaan arintaan. Mida Puntland wey cadahay, hadii mudug laga saaro Puntland, waxaa imanaysa in 60% dadka Gobolka Bari degan noqon doonaan kuwa hogaamin doona mustaqbalka Puntland meesha ay ilaa iyo intii la asaasay Puntland uu hogaanka Dowlada Goboleedka Puntland hayey hal jifo oo ka mida jifooyinka dega Puntland.
Hadii aan u soo noqdo GalMudgna diidmadeeda, waxaa laga yaabaa in ay tahay mid ku saleesan heshiis hoose ama is fahan la xariira in labadaan gobol marna is qaadi karin, madaama aysan labada Gobol Mudug iyo Galgaduud midna midka kale ku kordhin karin wax dhaqaale ah oo saas u sii ridan.
Fikirka danbe ee ah in Mudug dhaqaale saas u sii ridan lahayn, waa mid in mudo ah tuhunkeedu jiray madaama Puntland dakhliga lagu wado uu ka yimaado Gobolka Bari, kaasoo u badan kheyraadka ALLAH ku manaystey sida Beeyada, Malayga iyo Xoolaha nool ee laga dhoofiyo Dekada Boosaaso, iyo kaalmada UNta iyo hay’adaha hoos yimaada ugu deeqaan Soomaaliya oo dhan.
Waxaa la gaaray waqtigii ay dadwaynaha Gobolka Bari degan la xisaabtami lahaayeen Dowlada Goboleedka Puntland. Sidoo kale, waxaa la gaaray waqtigii ay dadka Goblka ari ee kala qaybsan ku midoobi lahaayeen hal urur oo midaya, si ay Puntland ugu soo dabaalaan hab doorasho ku dhisan qofka iyo votekiisa, madaama ay iyaga yihiin 60% dadka puntland degan.
Waxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’ oo ah qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana Minneapolis, MN – junlay99@aol.com