Punt land oo Sida Fiinta uga Qaylisay Mooshinkii ka dhanka ahaa Juba land ee Aqlabiyada ay ku Meel Mariyeen Baarlamanka Federaalku
Garowe 08.June 2015 (SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Somalia ee Puntland, ayaa cambaareeyay mooshinkii Baarlamanka Muqdisho ku diideen in Jubaland yeelato Baarlamaan u gaar ah.
Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ee magaalada Garoowe ee madaxtooyada, waxaanuu u dhignaa sidan:- “Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in Mooshinkaas uu yahay mid khilaafsan Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya iyo hanaanka federaalka hiigsiga 2016.” sidaas waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay Puntland
Puntland ayaa ku eedeysey Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya in uu ka dhintey dareenkii wadaninimo iyo Soomaalinimo, waxaana ay nidaamkii muddada 25 sano ah ee la soo dhisaayey ay dib dalka ugu celiyeen fawdo iyo kala yaac siyaasadeed.
Hase yeeshee maamulkaas ka tirsan Somalia ee Puntland ayaa mar kale ku eeddeysey in Baarlamaanka Federaalku jebiyey dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 50-aad oo ku salaysan tiirarka Federaalka ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegtey in ay taageersan tahay go’aankii uu qaatey Baarlamaanka Jubaland.
Doraad ayaa Mooshin ka dhan ah Baarlamaanka Jubaland Xildhibaanada federaalku meel mariyeen, waxaana dood ka keeney sharci ahaanshaha Mooshinkaas mamulka Jubaland oo ku tilmaamey in aysan markii horeba kalsooni weydiisan Baarlamaanka Federaalka ah ee ay tahay ciyaartii Shariif Xasan oo weli ka socota Baarlamaanka federaalka ah.
Garowe SDN/QJ