Punt land oo Qaadacday Shirweynaha Qaran ee Maanta Muqdisho ka furmay
Garoowe 02.Sep 2013 (SDN)- Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu si rasmiĀ ah uu u sheegay inaanu aqoonsan doonin, natiijada ka soo baxda Shirweynaha Qaran, ee maanta ka bilowday Magaalada Muqdisho.
Wasiirada Maaliyada iyo Warfaafinta ee Puntland, oo maanta shir wada jir ah ku qabtay Magaalada Garoowe, ayaa waxay ka sheegeen in Puntland ay qaadacday shirkaasi.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Puntland Axmed Shiikh Jaamac, ayaa wuxuu si adag uu u sheegay inaanu jirin wax xiriir ah oo u dhaxeeya Dowladda iyo Puntland, isla-markaana aysan jirin sabab ay shirkaasi uga qaybgalaan.
Wuxuu sheegay in Puntland ay horey u goysay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya, sababo la xiriira iyadoo aanu fahamsaneyn sida uu yiri macnaha Federalism-ka.
Arrinta labaad ayaa wuxuu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku egtahay oo qura Caasimada, sidaasi daraadeedna aynaan aqoonsan doonin wixii shirka ka soo baxa.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Puntland Faarax Cali Jaamac, ayaa wuxuu sheegay inaysan helin casuumaad kaga timid Dowladda Soomaaliya, oo ku aadan Shirweynaha ka furmay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay inaysan jirin cid Maamulka Puntland u meteleysa Shirweynaha maanta ka furmay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, isla-markaana wuxuu xusay inaysan aqoonsan doonin, wax kastaa oo ka soo baxa.
Garoowe SDN.
Qurbejoog.com