Punt land iyo Cabsida ay ka qabto in doorashada soo socotaa ay Wax Yeesho Nabadgalyadooda
Garowe 17.Nov 2013 (SDN)- Maamulka Puntland ayaa mar kale ku celiyay muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo ammaanka deegaannada maamulka xilliga lagu jiro olalaha doorashooyinka madaxtinimada ee maamulkaas oo la filayo in ay dhacdo bisha January ee sanadka dambe.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in siyaasiyiinta u tartamayo madaxtinimada ay ka dhawrsadaan wax kasta oo wax u dhimi karo amniga iyo xasilloonida, gaar ahaan gobolka Bari.
Gallan ayaa sheegay in shacabka gobolka ay diyaar u yihiin in ay maamulka kala shaqeeyaan nabadgelyada, sidaas oo kalena doorkaas looga baahan yahay musharrixiinta.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa dhowaan sheegay in musharrixiinta aysan gudaha Puntland ku qaadan karin hub iyo ciidamo fara badan marka ay ku jiraan ololaha doorashada.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com