PROFESSOR SULAIMAN A.GULAID : HOGAAMIYE KU HABOON “DAWLAD WADAAG” CARETAKER GOVERNMENT OF SOMALILAND
Muddo xileedkii xukuumada Kulmiye wuxuu ku eegyahay 26 June,2015 , doorsashadana waxa la cayimay 1s,t June,2016. Inta u dhaxaysa labada muddo dalku waxu u baahanyahay“Dawlad Wadaag “
WAA MAXAY DAWLAD WADAAG “ Caretaker Government “
Caretaker Governemnt waxa la dhisaa marka u dhamaado muddo xileed dawaladeed , ama la kala diro, ama la casilo, ama kalsoonida lagala noqdo. Waajibaadkeedu wuxuu ku koobnyahay qabashada doorashada ;ilaalinta hantida ummadda; hagista hawl maalmeedka dawladda ; iyo difaaca qaranka. Waxa ka reeban heshiisyo ay saxeexdo ;qawaanin cusub oo ay soo saarto iyo cashuur kordhin.
YAA SOO DHISAAYA.
Waxa ku heshiinaaya Madaxweynaha ;M/Kuxigeenka , iyo Madaxda Saddexda Xisbi Qaran , oo metelayaa bulshowaynta Somaliland ee codkooda siiyay. Waxay isla meel dhigayaan qaabka loo disaayo “Dawladd Wadaag” ; waajibaadka loo egman doono, iyo sifooyinka shaqsiyaadka ku haboon in loo magacaabo. Shaqo kuma laha , mana haboona inay faro gelin ku sameeyaan Beesha Caalamku; Golaha Guurtidu, Madax-dhaqmeedku iyo Madasha Wada-tashigu; sababto oo cod iyo kalsooni shacab kuma fadhiyaan. Marka lagu heshiiyo habka, hanaanka iyo wajibaadka loo egmanaayo , waxa magacaabaya Madaxweynaha. Waxa haboon Dawlad kooban ,tayo leh , ka badnayn 10 Wasiir, awood buuxda leh , kana madax banaan amarka Madawyanaha, siiba arrimaha khuseeya ‘” Doorshada”.
YAA KU HABOON HOGAAMINTA “DAWLAD WADAAGA”
Madaxweynaha & Ku-Xigeenkiisu waxay qabanyaan “Ceremonial Functions “. Hawlaha xukuumadda waxa wadayaa nin lagu heshiiyay title-kiisa sida “ Caretaker First Minister “ , baarlmaankuna ansixiyo. Ninkasi wuxuu noqon doona nin lagu ogyahay aqoon, karti iyo hufnaan oo ka madax banaan sadexda xisbi qaran. Waa ku haboon nin kasoo jeeda Goboladda darfayadda. Shakhsiga mansabkaas u qalmaa waa : Professor Sulaiman A. Gulaid , President of Amoud University ama shakhsiyaad la mid ah .Waxa u sharaf badan Madaxweyne Siilaanyo inuu aqbalo tallo wadaag iyo wada tashi , dalkana ka badbaadiyo qalaalse siyaasdeed.
Wa bilaahi towfeeq.
Ali Ibrahim,Baqdaadi, Toronto