|

“Professor Samatar iyo Qayrkiiba Xisbiga Ucid wuu u baahan-yahay ..…” Cali-gurey

Hargaysa 26. January, 2016-(SDN/QJ) :– Gudoomiye kuxigeenka saddexaad ee Xisbigga mucaaradka ah ee UCIDU, Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurray),ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay suuragal tahay in Axmed Ismaaciil Samatar uu si toos ah u soo gallo saaxadda siyaasaddeed ee Somaliland,islamarkaana ka mid noqdo xisbiyadda siyaasadda.

 

axmed ismaaciil samatarCali-gurray oo qoraal kooban oo uu arrintaas kaga hadlayo ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,ayaa sheegay inay taasi wax wayn ka tarri doonto habka siyaasaddeed ee haatan lagu jirro,waxaannu hoosta ka xariiqay suuragalnimadda inuu ka mid noqdo hogaanka sarre ee Xisbigga Ucid.

 

 

“Professor Samater waa indheer garad si xeel dheer oo aan caadifiyadi lahayn ee aqoon ku salaysan wax u eega. Saddexda xisbi kii uu u arko in dantu ku jirto been ha u qaadan waa run oo waa ka ugu roon. Wakhtigan waan jeclaan lahaa in ugu yaraan in laga talogeliyo isbedelka loo baahan yahay iyo sida loo xaqiijin karo gaar ahaan xisbiga UCID. Waxan qabaa in isaga iyo qayrkiiba xisbiga UCID u baahan yahay wax badadanna ku soo biirin karaan haddii wax laga qaato waayo way qirsan yihiin in xisbiga UCID uu yahay ka ugu dhaw inu keeni karo is bedel macno leh oo ka tarjumi kara danta iyo rabitaanka shacbiga Somaliland maadaama uu qabyaalad ka nadiif yahay”.

Comments are closed