|

Prof Siciid Axmed Xasan oo Aqoontii uu Dibada ku soo bartay Go’aansaday inuu uga Faa’iideeyo Ardayda Dalkiisa Ku Nool Isla markaana Hindisay Jaamacada Golis University Xog-waran

Hargaysa 17. October 2017 (SDN/QJ):- Prof Siciid Axmed Xasan  Waxa uu ka mid yahay aqoon yahanka Somaliland ee Dalkiisa ku soo kordhiyey aqoon ay da’yartu u doonan Jirtay Waddanka Dibadiisa Waxaanu Somaliland ka aasaasay Jaamacadda Golis oo uu Gudoomiye ka yahay taas oo Gobolada Somaliland-na intooda badan ku leh Faracyo ka mid ah Jaamacadaas.

Prof Siciid Axmed Xasan Ibraahin Gudoomiyaha Jaamacada Golis University waxa uu Xogwaran dhinacyo badan leh uu siiyey barnaamijka baro oo ku dayo Muwaadinkaaga ku dayashada Mudan ee uu soo saaro aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.

Prof Siciid Axmed Xasan wuxuu ugu horayn ka hadlay Halkii uu ku dhashay , Goobihii uu ku soo barbaaray iyo Meelihii uu Wax ku soo bartay waxaanu yidhi ‘’Waxaan Ku dhashay magaaladda Hargaysa waxaan Malcaamad qur’aanka ka galay Malcaamad ku taalay Xaafada New hargaysa Dugsiga Hoose Waxaan markii hore galay Iskuulkii la odhan Jiray Riis ee hada la yidhaa Sheekh Cali Cismaan waxaan markii danbe u bedeshay Dugsiga Qudhac dheer, Waxaan Markas kadib waxaan ku biiray Iskuulkii farsamada gacanta ee Burco waxaan ka baxay 1986kii Dugsigaas oo runtii aan ka bartay aqoon in badan anfacday noloshayda Hasa yeeshee 1971-kii ayaan ka dhoofay Waddanka waxaan tegay Sucuudiga waxaan Sucuudiga kaga shaqeeyay wixii aan ku bartay Dugsigii Farsamda Gacanta ee Burco ee Gaadiidka la xidhiidhay anoo u shaqaynayay Shirkad Maraykan ah oo Sucuudiga degenayd’’

Prof Siciid Axmed Waxa uu ka hadlay Mudadii uu Dalka Sucuudiga ku sugnaa Shaqadiisii iyo Halka uu Markaas kadib u dhaafay Waxaanu yidhi ‘’ Mudadii hore ee aan Sucuudiga Joogay waxaan u Shaqaynayay Shirkado waaweyn Waxaan odhan karaa Waxaan ka mid ahaa Dadkii Soomaalida ee halkaas Joogay Kuwoodii ugu Mushaharka badnaa ,anigoo Sucuudiga Jooga ayaan tegay Maraykanka mudo sanad ah markii aan joogay Maraykan ayaan dib ugu soo noqday Sucuudiga Shirkadii aan u shaqayn jiray ayaa Shaqadayda aragtay waxay igu yidhaahdeen si aad Jaamacada u soo dhamayso ma ku bedelnaa  Maraykanka haa yaan idhi Shirkada ayaa damaanad qaaday wixii kharash ah ee socdaalkayga maraykan ah, Los Angelis ayaan tegay sadex sano iyo badh ayaan ka shaqaynayay waxaan ku shaqaynayay Naqshadaha Gaadiidka markii danbe gobol kale oo Maraykan ah ayaa la I geeyay Maansho alaah lacag fiican ayaan ka shaqaystay habeenkiina Jaamacada ayaan dhiganayay oo magaalada aan tagaba Jaamacad ayaan ka gelayay Digriigii Jaamacada ayaan si wanaagsan u dhameeyay Markaas Kadib Ayaan Jaraa’id ayaan akhriyey Shaqo laga doonayo Sucuudiga tii ayaan dalbaday waxaa la iga qaaday Waraysi ku labaad ayaa la iga qaaday kiina waan ku Guulaystay  markaas inta Tigidhkii la iga soo bixiyey ayaa la I keenay Riyadh Xarunta Sucuudiga halkaas waxaan ka shaqeeyay Mudo laba sano ah waan ka bedeshay waxaan tegay magaaladda Jubayr waxaa la gaadhay sanadkii 1988-kii xiligaas oo dalkeena uu ka socday Dagaalkii dib u xoraynta dalku Sidaas awgeed Dib umaan soo Noqon karayn, waxaan u haajiray waddanka Canada waxaan u shaqeeyay dawlada Canada waxaa xafiiskii aan ka shaqaynayay ku dhawayd Jaamacada Toronto maalin ayay igu dhalatay inaan Master dalbado markii aan tegay waxaan rabay inaan tacliinta barto waxaan helay Tacliinta sare taas markaan dhameeyay ayaan hadana bilaabay diyaarinta Shahaadada PHD taasna waan dhamaystay waxaanu takhasuskaygu ahaa Isla Tacliinta Sare oo aan Jeclaystay Cid aan ku Tiirsanaa may jirin aniga ayaana is dabari jiray haday noqoto Waxbarashadda iyo Nolosha Qoyskayga oo markaas ila degenaa Canada.

Prof Siciid Axmed Xasan Waxaa kale oo uu ka hadlay Sababihii ku dhaliyey inuu Dalkiisa ku soo laabto isla markaana ka Aasaaso Jaamacada Waxaanu yidhi  ‘’Waxaan Jaamacada dhameeyay 1997kii markaas ayaan socdaal ku imid Magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka xiliga aan ku soo beegmay waxay ahayd wakhti xagaa ah waxaan waraystay dad badan oo ganacsato ah oo doonyo ka raranaayay Dubai iyagoo ka yimid dalkii hooyo ee Somaliland Xaqiiq ahaan waxaan anigu ka cadhaysnaa Dagaalkii Sokeeye ee waddanka ka dhacay, Markaas Ayaa markii aan dadkii Ganacsatada ahaa Waraystay waxay I jeclaysiiyeen waddankii waxaa I gashay yididiilo dib ayaan ugu noqday Canada waxaan soo diyaariyey waxaan dalkii ka qaban karo shaqooyinkii aan rabay inaan Canada ka qabto ee codsiyadoodu ii xaraysnaayeen waxaan idhi waan ka maarmay Waxaa Maskaxdayda ku soo noqnoqonayay inaan dad Shisheeye iiga baahnayn inaan wax baro balse dadkayga iyo dalkaygu iiga baahan yahay inaan kaalintaas u buuxiyo ,waxaan Somaliland imid sannadkii 2000 dhul ayaan dawlada weydiistay waxaa Dhul weyn la iga siiyay deegaanka Biyo Shiinaha ee Waqooyiga Hargaysa waxaan doonay inaan sameeyo dugsi sare oo ardaydu seexato oo Boarding ‘’

Prof Siciid Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ‘’Secondary Schoolkii (Dugsigii Sare) Markii aan bilownay wax badan ayaanu dhisnay waayo waxaan haystay meel weyn oo wax walba laga dhisi karo laakiin dadkii ayaa iga hor yimid oo yidhi waxani ma secondary schoolbaa haa Ayaan ku idhi waxay igu yidhaahdeen Ma Suurto galayso dadka iga hor yimid waxaa ku jiray Odayaal, Ganacsato iyo Xubno xitaa ka mid ahaa golaha wasiiradda waxay ku doodayeen in Dhulka intaas le’eg baaxad ahaan aanay ku qumanayn in Dugsi Sare laga Dhigo waxay ii soo Jeediyeen in Dhulkan aan ka Dhigo Jaamacad Waxyaabaha aanan iloobayn waxaa ka mid ah Xitaa Nin waalan oo aan is idhi waa dadka la weheliyo sida ay soomaalidu tidhaa ayaa igu yidhi Dhulka intan le’eg Dugsi sare ha ka dhigin ee Ka samee Jaamacad xiligaas waxaa Jaamacado dalka ka furnaa Hargaysa Iyo Camuud iyo Burco oo markaas la waday waxay dadku igu qanciyeen inaan Jaamacad ka dhigo xaruntaas Sannadkii 2004tii Ayaan qaatay inay Jaamacad noqoto waxaanan furnay 2005-tii inkasta oo aanaan ka furin Xaruntii biya shiinaha balse Caasimadda dhexdeeda ayaanu ka furnay waxaanu ku bilownay Engineers iyo Aqoon waxbarasho oo aanu Siinay Ciidanka Booliska waxaanu ku xijinay Tababarka Macallimiinta,’’

Prof Siciid Axmed waxa uu ka hadlay Sida uu Ku Yimid Magaca Jaamacada ee Golis University waxaanu Yidhi ‘’Magac bixinta Jaamacada Golis waxaanu ka fikirnay Magacyo badan dhawr qof Ayaan la Tashaday Waxaa la qaatay Golis waxaan u tagay rag uu ka mid yahay Engineer Maxamed Xaashi Wuxuu igu Yidhi Golis waa Magac wanaagsane hadana talada badso waxaan u tegay Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye iyo Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan (Wasiirul Dawlihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda’’ waxay dadkii isku raaceen inaanu qaadano Magaca Golis University Wuxuu Magacani ka taagan yahay Silsilada Buuralayda ee Golis oo marta ilaa 5 Ka mid ah Gobolada waaweyn ee Somaliland Waxayna Maanta ka Furan tahay Jaamacadu Shan Gobol oo ka mid ah Gobolada dalka ’’  ayuu Yidhi Gudoomiyuhu.

Prof Siciid Axmed Xasan Ibraahin Gudoomiyaha Jaamacada Golis University Waxa uu Xogwarankan oo dheeraa kaga hadlay Higsiga Mustaqbalka Dhow iyo Ka Fog ee u dejisan Jaamacada Golis University.

Comments are closed