|

PROF.SAMATAR: ‘’Maalinta Qaran Ee Somaliland Ha Noqoto 26-june, 18-Mayna Maalinta Ku Xigta’’

samatar

Hargeysa,30,5,2016 (QJ/SDN) – Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo in muddo ah dalka dibaddiisa ku maqnaa ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, isagoona sheegay in uu joogo doonno muddo saddex todobaad ku dhow, isla markaana uu muddadaasi go’aansan doonno xisbiga uu ku biirayo.

Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu sheegay in ay jirto maalin ka wayn 18-May taasi oo uu ku sheegay maalintii uu waddanka Somaliland dhashay ee 26june,1960kii. Inkastoo Proffersorku uu sheegay in 18-May ay tahay maalin aan la illoobi karin.

‘’Maalinka 18-May waa maalin qiimo wayn leh oo waddanka taariikhdiisa iyo noloshiisa aad iyo aad ugu xidhan oo ugu yaraan ah halkii guushii laga keenay dowladdii foosha xumayd ee waddanka baabiisay ee Maxamed Siyaad Barre uu madaxda ka ahaa. Dad badan ayaa kusoo dhintay dad badan ayaa xoolo galiyay qaar aan aqaanno oo dadkii aanu isku wakhtiga ahayn ku dhinteen, markaa maalin la illoobi karo maahan oo ciyaar ciyaar maahan waa maalin meel wayn in la saaro ah oo ummadda Somaliland si wanaagsan u dhuuxdo oo ay u xushmayso, Laakiin aniga waxa weeye dooddaydu haddii aynu doonayno in waddankii noqdo waddan ay dooddiisu buuxdo oo marka adduunyada kale lala hadlayo innaga gudaheenna iyo isku xidhkeena maalin ka wayn ayaa jirta 18-MAY, maalinta ka wayna waxa weeye maalintii waddankani uu dhashay, maalintaan dhalannay ee sameysannay in aynu nahay dad xora oo Ingiriiskii ka xoroobay, waa 26june,1960.’’ Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar oo u warramaayay telefishanka Star.

Sidoo kale, Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu soo jeediyay in maalinta qaran ee Somaliland laga dhigo 26-june, 18-Mayna ay noqoto maalinta ku xigta ‘’Aniga dooddayu waxa weeyaan maalinta qaran ha noqoto bisha june 26keeda 18mayna ha noqoto maalinta ku xigta ee wayn iyaduna, labadaba sidaas haloo xushmeeyo’’

Dhanka kale, Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay muddadii uu Somaliland kusoo laabtay in uu ku xiiqay isla markaana uu wax wayn taray ‘’ Waan ku xiiqay [Somaliland] already labadii sanadood iyo badhkii, shayga ugu way nee aniga layga filayaana waa inaan adduunyadii u macneeyo qadiyadda Somaliland halkay maanta taagantahay iyo baahida dadka reer Somaliland u qabaan adduunyadu inay garato waxay qabsadeen iyo halkay ku socdaan, mana jirto bil aanan adduunyada ka hadlin meel uun’’ ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Ugu danbeyntii, hadalka Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa kusoo beegmaya xilli ay si wayn u taagnayd doodda ku saabsan maalmaha 18-May iyo 26-June, iyadoo uu dhawaanna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro uu sheegay in laga doodi karo labadaas maalmood midda la qaadan karo.

Muuqaalka Warkan Halkan RIIX

Xigasho: GaloolMedia

Comments are closed