|

Prof Jawaari oo Shaaca ka qaaday in Mudada Xil Haynta Dawlada federaalka loo Kordhin doono

Muqdisho 16.Feb 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in aanay jiri doonin wax muddo kordhin ah oo ay samaynayso dowladda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2016-ka.

jawaariProf. Jawaari ayaa wariyayaasha ugu sheegay Muqdisho  in xilliga u hadhsan dowladda uu kooban yahay uuna ku eg-yahah 2016-ka, isagoo ugu baaqay xukuumadda cusub inay dar-dar-geliso hawlaha horyaalla.

 

“Xilli hawleedkeennu wuxuu ku eg-yahay dhammaadka sannadka 2016-ka, waxaana naga xiga sannadkan iyo dhawr bilood, waxaana la socda in lagu diyaariyo muddadaas doorasho xor ah oo dalka ka dhacda. Mana jiro wax muddo kororsi ah.” ayuu yidhi Jawaari.

 

Afhayeenka baarlamaanka Somalia ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inay muhiim tahay in la diyaaro xilliga noo hadhay guddigii ka shaqayn lahaa doorshada, sidoo kalena loo baahan yahay dhamaystir lagu sameeyo dastuurka dalka si loogu qaado afti-dadwayne.

 

Salaasadii la soo dhaafay ayay xildhibaannada baarlmaaanka Somalia waxay ansixiyeen hindise-sharciyeedka guddiga madaxa-bannaan ee doorashada ay ku hawlgeli lahaayeen.

 

Doorashooyinka la filayo inay Somaliay ka dhacaan sannadka 2016-ka ayaa lagu wadaa inay noqoto doorashadii ugu horraysay oo ka dhacda ilaa markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore uga dhawaajiyay in dalka ay doorasho ka dhici doono sannadka 2016-ka, xiligaas oo uu dhammaanayo xilli-hawleedka dowladda federaalka Soomaaliya.

Comments are closed