Prof: Jawaari Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Oo gaaray Magaalada Baydhabo
Baydhabo 24 2013 (SDN)— Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.
Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiil ciidan iyo Xildhibaano kasoo jeeda Gobalada Baay iyo Bakool.
Iyadoo maalmahan si aad ah loo hadal haaye inuu shir ka furmayo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa socdaalka maanta Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku tagay Baydhabo warar kala duwan ay kasoo baxayaan.
Hoteelka Bakiin ee Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo galbiyay iyadoo halkaasi iminka ay ku sugan yihiin Guddoomiyaha iyo xubnaha la socda.
Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa lala dhexmaraya gaadiid laga baahinayo heeso wadani ah iyo heeso nabada ka hadlaayo oo lagu soo dhaweynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
SDN-Muqdisho