Prof Ismaaciil Buubaa oo Guul Siyaasi ah oo Waddani helay Ku Tilmaamay in Kulmiye wada yeesho Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland DAAWO
Hargaysa 05. September 2017 (SDN/QJ):- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa guul muhiimad siyaasadeed leh ku tilmaamay in Xisbiga Waddani laga faro-maroojiyo oo lagaga guulaysto hoggaaminta Golaha Wakiillada oo ay saddexda Xubnood ee Shir-guddoonka Golahaasiba hadda noqdeen kuwo dhammaan ka soo jeedaan Xisbiga Kulmiye, ka dib markii ay Xildhibaannada labadaa Xisbi ee Golaha Xubno ka tirsani ku tartameen Kuraasta Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka, ka dibna la wada wareegay Kulmiye bishi horraantii iyo dabayaaqada bishii inna dhaaftay ee Maarso 2017.
Waxa uu Siyaasiga Ismaaciil Buubaa sheegay inaanay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Siilaanyo ee wakhtigeedu idlaaday waxba ku soo kordhin karin hoggaaminta Golaha Wakiillada Somaliland oo ay 3-da Xubnood ee Shir-guddoonka ka ahiba hadda ka soo jeedaan Kulmiye, isla markaana in Kulmiye labada Kursi ee Ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiyaha Golahaas-ba kaga guulaystay Xisbiga Waddani oo ay ku tartameen u arko guul siyaasadeed oo Waddani muhiimad u yeelan doonta.