|

Prof. Gees oo soo Bandhigay Magacyada Shaqsiyaad Door Wayn ku Lahaa Nabadaynta iyo Dib-u-heshiisiintii Somaliland

Qeybta 47aad ee taxanaha qormada Dharaaro Xusuustood

gees

Haregeysa, 17,5,2016 (QJ/SDN) – Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah shaqsiyaadkii doorka weyn ka qaatay nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Somaliland oo toddobaadkan u dabaaldegaysa sannad-guurada 25aad ee maalinta qarannimada iyo dib ula soo noqoshada madaxbannaanida.

Sidaana waxa uu ku sheegay qaybta 47aad ee qormadiisa Dharaaro Xusuustood, taasoo u qornayd sidan; “Qarnigii labaatanaad dhexdiisii waxa Khaalid Maxamed Khaalid qoray Buug uu ku magacaabay “Raggii ku xeernaa Nebi Muxamed” (Nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee), Sheekh Jaamacadda Al As-har ka tirsan.

Waxa Sheekh Khaalid Maxamed Khaalid uu kaga warramayaa, kana sheekaynayaa raggii ka ag-dhowaa asxaabta Nebiga (nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) ee fidiyey diinta islaamka. Sida la ogsoon yahay waxa uu Nebigu (NNKHA) geeriyooday, iyada oo diinta Islaamku aanay dhaafin Maka iyo Medina.

Haddaba, Khaalid Maxamed Khaalid oo raggaasi fidiyey diinta Islaamka ayuu sheeko mid mid uga sheekaynayaa, kartidoodii, iimaankoodii, dulqaadkoodii, deeqsinimadoodii iyo geesinimadoodii. Ilaahay ha u naxariisto asxaabtaas Nebiga (NNKHA).

Haddaba, Somaliland oo dhowaan u dabbaal-degaysa ku-dhawaaqiddii goonni-isu-taaggeeda iyo la-soo-noqoshadii xorriyaddeeda oo ah 18-ka May oo 25 sannadood ka soo wareegtay, ayaa waxa mudan in la soo qaado raggii ku xeernaa nabadda Somaliland.

Waa dabbayaaqadii sannadkii 1989-kii, magaalooyinka, Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiley, Ceerigaabo iyo tuulooyinka ay beelaha Isaaq degaan, waa haawanayaan. Dadkii, maatadii waayeelkii rag iyo dumar, waxa ay qaxooti ku yihiin xeryo lagu teeday Kililka Shanaad ee Itoobiya, halkaas oo ay ku dhibaataysnaayeen.

Koox aqoonyahanno iyo madax-dhaqameed ah oo reer Sool iyo Buuhoodle ah oo uu hoggaaminayo marxuun Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, ayaa socdaal ku kala bixiyey xeryahaas qaxootiga ilaa Balli-gubadle oo ahaa xarunta jabhadda SNM.

Garaadka waxa socdaalkaas ku weheliyey oo aan hadda ka xasuustaa Injineer Maxamed Cali Caateeye oo maalgeliyey hawsha iyo Baashe Cali Jaamac oo hadda ah Wasiirka Biyaha ee dawladda Somaliland.

Waxa kale oo ka mid ahaa oday-dhaqameed caan ahaa oo la odhan jiray Cali Qamar (oo mar marxuum Cigaal ku sheegay Cali Dayax, intuu ka helay hadalkiisii).

Waxa ay u sheegeen dadkii qaxootida ahaa, madax-dhaqameedkii iyo madaxdii jabhadda inay ka damqadeen xadgudubka iyo xasuuqa nidaamka dawladdu kula kacay oo aanay la qabin, kulana jirin gabbood-falkaas (not in our name); oo ay kana soo horjeedaan nidaamkaas, ayna taageersan yihiin halgankooda. Arrintaas oo taabatay dadkii oo ay iyana si walaaltimo ah u soo dhoweeyeen, inkasta oo ay dhibaataysnaayeen, taasina fure u noqotay nabadayntii beelaha Somaliland.

Sannadkii 1991 markii jabhaddii SNM guulaysatay ayey wacday shir nabadeyn iyo xabbad-joojin beelaha Somaliland dhexdooda ah, kadibna rag ayaa ka soo kicitimay bari iyo galbeed si ay shirkaas uga qaybgalaan.

Shirkaas oo Berbera ka dhacayey, marxuun Maxamed Cabdi Dhimbiil oo ragga Boorama ka soo kicitimay la socday, waxa uu ii sheegay markay Kalabaydh soo gaadhiin ayaa gabadh ay Inaabti ahaayeen oo reer Kalabaydh ahayd oo aragtay isku duubtay oo ku barrooratay oo ku tidhi; “Maxaa ku keenay meesha ee aad naftaada u soo biimaysay?.”

Cali Faarax Sayax waxa uu noqday qofkii u horreeyey u shahiida nabadda Somaliland, markii Berbera lagu toogtay qolo ka dhacaysay baabuurka, isaga oo ergo nabadeed ah oo u yimi shirkaas nabadda ee u horreeyey ee lagu qabtay Berbera.

Ergadii Badhan ka timi markii ay marayeen Sheekh, ayaa baabuurkii laga dhacay iyana Waxa ka mid ah ergadaas marxuum caaqil Bashiir Ducaale (Chief-Bataloozi oo ay u bixiyeen, kuwa nabadda diidani). Shirkii Berbera guul ayuu ku dhammaaday.

Sannadkii 1992, Dekedda Berbera waa xidhantay oo dagaallo ayaa ka dhacay, Dekadda Muqdisho iyo Kismaayo iyana way xidhmeen. Macaluul ayaa dadweynihii Soomaaliyeed ku habsatay waa xaarama- cune.

Odayaal reer Boorama ah: Xaaji Daa’uud, Suldaan Godaad, Sheekh Cabdillaahi Cali Jawhar iyo Suldaan Guray, ayaa is-abaabulay, baabur calan cad ka bilig leeyahay ku maray Hargeysa, Berbera iyo Burco, dabadeed ku baaqay shir lagu qabtay magaalada Sheekh, kuna heshiisiiyay qolooyinkii dagaalku ka dhexdhacay. Heshiiskaas kadib dhacay shirka nabadeed Boorama, halkaas oo axdi-nabadeed iyo Axdi-qarameed Dawladeed lagu soo unkay. Iyana maalin ayey ahayd.

Sannadkii 1993, Ceerigaabo oo beelihii Harti ka maqan yihiin, ayaa nin la yidhaa Siciid Maxamud Nuur (Siciid Bidaar) uu keligii ka soo dhaqaaqay Hadaaftimo – Bariga Sanaag, kaas oo isu soo tuuray Ceerigaabo. Maayarka hadda ee Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur ayuu gurugiisii ku garaacay oo ka naxay markii uu arkay, kadibna qol ayuu ku xidhay, dabadeedna, magaaladii ayuu galay oo shir ku qabtay. Shirkii waxa uu dhalliyey in Shirweynihii Nabadda ee Beelaha Sanaag lagu qabto Ceerigaabo isla sanandkaas, taas oo keentay in magaaladii lagu soo wada noqdo.

Isla shirkaas markii loo soo diyaargaroobay oo ergooyinkii ajandhaha dejinayey yimaaddeen Ceerigaabo, ayaa waxa magaaladii soo galay Baabuur Meersheedis 19 ah oo hore looga dhacay beesha Dhulbahante oo rag lagu dilay. Baabuurkaas oo gacmo iyo ardaayo kala duwan isu maray, ayaa markii la arkay waxa bilaabmay guux, kadibna marxuum Cali Warsame-dheere oo odayaasha Habar/Yoonis Bari ka mid ahaa, ayaa lacag jeebkiisa ka bixiyey oo la wareegay baabuurkii, dabadeedna siiyey qoladii Dhulbahante ee laga dhacay, iyana magaalada Xuddun ayey markiiba ula kaceen. Sidaas ayaa shirkii ku hirgalay.

Sannadkii 1993, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa Istaadiyamka Hargeysa ku wareejiyey hubkii beesha Arab oo gacanta loo geliyey dawladdii iyo Madaxweyne Cigaal. Waxa uu marxuum Cigaal yidhi; “Waa Suldaankii ii hiiliyey markii labadii qolo ee kale ee reer Hargeysa ee jaakidheen marnaba ma illaawayo cid kalena ma ictiraafsani.” Waxa kaloo Madaxweyne marxuum Cigaal yidhi; “Ibraahim Dhegaweyne marna illaawi maayo sidii uu Dekedda Berbera uu dawladda ugu soo wareejiyey iyo khatartii uu naftiisa ku geliyey hawshaasi inay hirgasho.”

3-dii May sannadkii 2002 waxa la soo sheegay geeridii marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, kadibna degdeg ayaa loo dhaariyey Madaxweyne-ku-xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin inuu ku-meel-gaadh ahaan u qabto xilkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si aan kursigu u bannaanaan, muranna  u dhicin oo cadawgu uga faa’iidaysan. Ragga go’aamiyey taladaas waxa ka mid ahaa Guddoomiyihii Golaha Guurtida marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Madar.

Aroortii dambe ayaa Sheekhii lagu yidhi; “Adaa kursiga xaq u lahaa sida dastuurku dhigayo ee waa lagaa qaaday.” Sheekh Ibraahim waxa uu ku jawaabay; “Ninkii aan shalay galab dhaarshay, saaka ku qabsanmaayo ee i dhaafa.” Sidaas ayaa 8 sanno Daahir Rayaale ku noqday Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3-dii May sannadkii 2003, waxa Guddigii Qaranka ee Doorashooyinku ku dhawaaqeen in doorashadii Madaxtooyada uu ku guulaystay murrashaxa xisbiga UDUB mudane Daahir Rayaale Kaahin; oo murrashaxii  xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) lagaga guulaystay 80 cod oo keliya.

Qolooyinkii ka ag dhowaa Siilaanyo waxay u soo jeediyeen in aan la aqbalin natiijada doorashada oo laga dagaalamo, balse mudane Siilaanyo waa diiday soo jeedintaa oo waa aqbalay natiijadii markay ayidday Maxkamadda Sare. Toddoba sanno oo dambe ayuu ka dhursugayey in doorasho dhacdo, isaga oo ilaalinaya nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland. Boowee, maxaa kuu baxay. Dalka waanad joogine, rag baa la soo dabbaashay, Ilaahay ha ka abaalmariyo dedaalkoodii ay nabadda u galeen ay malaayiinta qof maanta ku nooshahay,” ayuu Prof. Gees ku yidhi qormadiisa.

Xigasho: Maankaab

Comments are closed