|

Prof: Galaydh oo Shaaciyey inaan Puntland u Xuli Karin Xubnaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyaguna ka qaybgalayn DHAGAYSO

Buuhoodle, 26 April, 2016-(SDN/QJ):– Hogaamiyaha Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inaanay ka qaybgalaynin ama xubno ku yeelanaynin Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxa uu si adag ugu celceliyey inaanu Maamul-goboleedka Puntland u soo xuli karin wax Xildhibaanno ah deegaannada Khaatumo.

gaas iyo galaydhWaxa uu Cali Khaliif Galaydh sheegay inaanu waxba ka jirin hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sheegay in Isimmada Puntland soo xuli doonaan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka uga qaybgeli doona deegaannada Puntland iyo weliba gobollada Sool, Sanaag-Bari iyo Cayn (Buuhoodle).

Hase-yeeshee, Prof: Galaydh waxa uu ku dooday inaanu waxba ka jirin hadalka ka soo yeedhay Cabdiweli Gaas, isla markaana ay yihiin laba Maamul oo isku mid ah, Maamulna Maamul kale waxba u xuli doonin, sideedabana aanu Maamulka Khaatumo wax Xildhibaanno ah ku yeelan doonin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Cali Khaliif Galaydh waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya, Su’aalo badanna lagu weydiiyey oo ay la yeelatay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, waxaanannu Muuqaal-dhegaysiga Waraysigaas idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho fiican:-

Comments are closed