|

Prof. Cali M Geeddi: “Wallaahi Baan ku Dhaartee Soomaaliyi Ma Ogolaan Doonto In Saddex Nin Maskaxdooda Lagu Maamulo”

Cali Geedi Nairobi:12-Aug-2013 (SDN)Ra’iisal wasaarihii Hore  ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya in talada dalka iyo mustaqbalka Soomaaliya ay afduub ku haystaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Laba shaqsi, waxana uu  tilmaamay in taasi aan laga yeeli doonin oo aanay xaq u lahayn.

Prof. Geeddi oo ka hadlayay xaflad lagu taageerayay Jubaland, ayaa  sheegay in Dowladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay ay tahay nasiib daro soo wajahday shacabka Soomaaliyeed, xili rajo laga qabay  in hour socod lagu tallaabsado.

“Dowladda Xasan Shiikh isagaa laga rabaa iney ilaaliso dastuurka iyo axdiga dalka u degsan iyo ilaalinta midnimada Soomaaliyeed, laakiin doorkaasi wey gabtay” ayuu yidhi Geeddi

“Madaxweyne Xasan Sheekh Waxaan leeyahay Dowladdii la idiin igmaday hadaadan ku shaqeynina dalka iyo dalka idinka kaligiin ma lahidiin, mas’uuliyadana waa la idinla leeyahay, dastuurkii qaranka Soomaaliyeed inta meel la iska dhigo, Walaahi ayaan ku dhaartay Soomaali ma ogolaan doonto in 3 nin Maskaxdooda in dalka lagu maamulo, weliba waan u caqli celineynaa is toosiya ayaan leenahay, koox qabsatay dalka ma jirto, waxaan meelaha ka maqlayay Dam jadiid iyo anigu ma aqaan” ayuu si kulul u yidhi Cali Geeddi.

Wuxuu ugu baaqay Dowladda iyo Madaxweynaha in ay kusoo dhacaan jidka saxda ah ee aysan ku shaqeyn jidka qaldan, isagoo shacabka ugu baaqay iney ku baraarugaan lana xisaabtamaan dadka madaxdda u ah.

“Madax fadhi ku dirireysaa madax ma aha, hadaadan sixi karin waxa qaldan meesha banneeya, rag saxaya ayaa la keenayaa” ayuu yidhi Geeddi oo si aan kala har laheyn u weeraray Madaxda Dowladda oo uu ku sheegay Macallimiin iney meesha joogto.

Wuxuu sheegay in la badhtilmaameedsanayo beelo Soomaaliyeed, isagoo xusay in habeen hore 100 dhalinyaro ah oo hal qoys kasoo jeeda laga soo kaxeystay Hotel Ramadaan, sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed ayuu sheegay in hantidooda la burburiyay.

“Muqdisho maalintii Dowladdaa ka talisa habeenkii Shabaab, ma ogtihiin, taasi dowladnimo ma ahan, xiligii aan joogay 16-ka degmo canshuur ayey dowladda ka qaadeysay” ayuu yidhi Geedi.

Hadalka Prof. Geeddi oo dhinacyo badnaa ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha Jubbooyinka ayuu sheegay in Jubaland ay taagan tahay isla markaana ay taageerayaan.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in Kenya aysan damac ugu jirin taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Kulankan uu khudbada siyaasadeed ka jeediyay Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa kasoo qeybgalay Cumar C/rashiid oo Ra’iisul Wasaare kasoo noqday Dowladdii KMG, Prof. Gaandi, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka mid ahaa Ilyaas Barre Shiil iyo xubno kale.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ka mid ah siyaasiyiin waaweyn oo u banbaxay sidii ay meesha uga saari lahaayeen xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud, waxana uu had iyo goor professor-ku soo bandhigaa galdaloolooyinka xukuumadda haatan soomaaliya ka arrimisa.

 

Somalidiasporanews.com

Nairobi/kenya

 

Comments are closed