|

Prof. Cabdiweli Gaas oo soo gaaray Caasimada Puntland kadib markuu soo maray deegaano badan oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo Garowe

Garoowe Oct 24,2012(SDN)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya  Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kasoo kicitimay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug  ayaa Cagta soo mariyay deegaano badan oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo Garowe intuusan caasimada Puntland soo gaarin.

Dr Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa goobihii uu soo maray Degaanada Bacaadweyn, Burtinle,  Jalam, Kalabayr,  iyo degmooyin kale oo dhawr ah iyadoo dad badan ay isugu soo bexeen wadada weyn si ay uga qayb noqdaan soo dhaweynta Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horayna u ahaan jiray Raysulwasaarahii Dowladii Federaalka Soomaaliya.

Degmada Burtinle oo ahayd meeshii ugu xooga badnayd ee lagu soo dhaweeyay Mudane Cabdiweli ayaa loogu sameeyey Xaflad weyn oo soo dhaweyn ah iyadoo ay kasoo qayb galeen dhamaan shacabka masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Burtinle, waxa ayna sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin imaanshaha Cabdi Weli ee Degmada waxaana halkaasi lagu soo bandhigay gabayo buraanburo iyo murti kaladuwan oo soo dhaweynta qayb ka ahayd.

Prof. Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale markuu soo gaaray magaalada Garowe waxaa duleedkeeda kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo waxgaradkale iaydoo sidoo kalena uu Xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman faroole halkaasi oo qado sharaf loogu sameeyey,  mudane cabdi weli, waxa uu sidookale gurigiisa kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyadoo ugu dambaynah mudane cabdi weli iyo wafdigiisa ay usoo ruqaansadeen dhanka qasriga loogu talagalay martida ee magaalada ku yaala.

Dr Cabdi Weli oo saxaafada shir-saxaafadeed u qabtay ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro boqasho uu ku sameynayo gobolada puntland kaasi oo la xiriira bariidin iyo is xog wareysi waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida loo soo dhaweeyey iyo dhamaan dadkii uu kulanka la qaatay ee sida qalbiga furan uga qayb qaatay soo dhaweyntiisa.

Dr Gaas oo mar la weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo hadalheynta ku saabsan in uu u taaganyahay Musharaxnimada Puntland ama Xisbi sameysanayo ayuu taasi gaashaanka u daruuray.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed