Prof: Cabdisalaan Yaasiin Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Tartamayo Musharraxnimada Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI, Xaaladda Dalkana Ka Hadlay DAAWO
Hargaysa 26.Nov 2015 (SDN/QJ):- Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed oo ka mid ahaa asaasayaashii ururkii dib u xoraynta Somaliland ee SNM, islamarkaana ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay musharraxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo duruufihii loo soo maray dib u xoraynta qarinmada iyo jirtaanka Somaliland.