Prof Azhari Oo Toosh Ku Iftiimiyay Mad Madawga Ku Jira Heshiiska Dekeda Berbera,Badkana Soo Dhigay Qodobo Bulshada Ka Qarsoon+ Waxa Laga Yeelayo Shaqaalaha Dekeda Hadda Ka Shaqeeya
Hargeysa 18.July 2016 (SDN/QJ):- Prof Axmed Xaaji Cabdilaahi Azhari oo ka mid ah Aqoonyahanka Reer Somaliland islamarkaana Wax ka dhiga Jaamacadaha Dalka ayaa si cilmaysan uga hadlay Heshiiska Wareejinta Dekeda Berbera islamarkaana lix qodob oo lafjab ku ah Somaliland ka soo dhex saaray Qoraalka Heshiiska Hordhaca ee ay gaadheen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkada DP-World ee Wareejinta Dekeda Berbera.
Waxa uu sidoo kale Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inay Joojiso Abaabulada Odayaasha Waji ku macaashka ah ee ay Tvyada soo fadhiisinayso,islamarkaana ay dhamaystirto Heshiiskaasi oo ay Bulshada Somaliland ka shaki tirto Mad Madawga ku jira.
Qodobada Uu Prof Azhari ka soo saaray Heshiiska ee uu naqdiyay ayaa waxa ku jira arimo Xasaasi ah oo lagu muransanaa oo ay ka mid yihiin Waxa laga yeelayo Shaqaalaha Hadda Dekeda ka hawlgala,iyo inay Shirkadu aqbashay in Dekedii hore sideeda lagu daayo oo Deked Kale oo Cusub la bilaabo Dhismaheeda,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa oo ku bilaabay sidan “Anigoo ah Prof Axmed Xaaji Cabdilaahi “Azhari”Waxan maanta ka hadlayaa Heshiiska Dekeda Berbera lagu Wareejinayo Shirkada DP-World,Xukuumaddu,Iyadaa u xilsaarnayd,Iyadaa Heshiisyo soo gashay,iyada ayay Waajibaadkeedu ahaa inay Dhamaystirto oo ay Baarlamaanka Mariso,Waxay halkay ka marilahayd inay Nidaamka hagaajiso oo Wixii u dhinaa dhamaystirto,ay samaysay Dacaayado iyo Waji ku macaash, Kolba ay Odayaal soo fadhiisiso,oo ay Tidhaahdo Reer Berbera Waxa ay diidan yihiin Maalgashiga”.
Waxa kale oo uu yidhi “Waar Somaliland Shacbigeedu Maalgashi wuu u baahan yahay Laakiin haddii Mad –madaw soo galo Heshiiska oo ay jiraan God daloolooyin badan oo shacbigu idiin tilmaamay Maaha inaad tidhaahdaa Maalgashi ayaa la diidan yahay,oo kolba aad Salaadiin TV soo fadhiisisaan Waa Xaraan Maqdac ah,Hadaad Wax Xalaal ah haysaan,Waji kumacaash iyo Odayaal kolba yidhaahda Heshiiskaasi hala hirgaliyo,Iyo Maalgashi ayaa la diidan yahay kumaydaan meeraysateene,Wixii Heshiiska ka dhiman ayaad hagaajin lahaydeen”.
Halkan ka akhriso Qodobada uu Azhari ku dul istaagay ee uu naqdiyay ee ku jira Heshiiska Wareejinta Dekeda Berbera ee ay kala Saxeexdeen Xukuumadda Siilaanyo Iyo Shirkadda DP-World.
1. Horta Dekedu Qiimayn ayay leedahay,Maydaan Qiimayn,Marka Dekeda la qiimaynayo ee Shirkad Heshiis lalagalayo ee Tahore lagula galayo,Waxa weeyo Shirkadaha Caalamku 51 Iyo 49 ayay kala leeyihiin,51% waxa leh Somaliland,49%-Kana waxa leh Shirkada.
- Board-Ka Cusub ee la samaynayaa Isna Waxa uu Somaliland Dhabarka kaga jabinayaa Go’aankii la qaataba Shirkada Dp-World ayaa yeelanaysa,Waayo 7 Gudidu ka koobanyd Waxaad tidhaahdeen 2-Somaliland ayaa leh,5-na Shirkada,Fadhigii la fadhiistaba Majooratigii ayay leeyihiin,Taasina Waa Xaaraan,Waxay ahayd in 3 iyo 4- lagu kala qaato,oo Afarta ay yeelato Somaliland,3-Dana Dp-World.
- Shirkadu Waxay tidhi,Waxaanu waajibaad uleenahay marka heshiiskaasi la saxeexo inaan Kambani kale,Lawyacado illaa Laasqoray Waxba ka qaban Karin,Waa Dabar Xukuumadda Somaliland ay Isdabartay taasina,Berbera ayaad kula gashee Maxaa Saylac iyo Wixii kale ee Shirkadu kuu yimaada Gacanta u galiyay?.
- Shirkadu Waxay Tidhi Sanadkiiba Laba jeer ayaan Tacriifada Kordhinaynaa,Shirkadu Waa Private oo waa faa’iido doon,Iyadu Dadkaaga iyo Maatidaada 90% ay Shaqo laadahay u Naxariisan maysee,Taasina inaad ka yeeshaan may ahayn,Oo Qodobkaana Xadhaxda ayaad kaga jabteen.
- Shaqaalaha ay tidhi inta Aqoonta leh ayaan ka qaadanaynaa,Wixii Kuuli ah iyo Shaqaalaha kale waanu siidaynaynaa,taasina waxay ahayd inay Shirkadu Sideeda kuwada qaadato.
- Heshiiskaasi Godaloolooyinkiisu aadka u badan yahay ee ay Shirkadu tidhi 65% ayaanu yeelanaynaa,oo dekedii hore illaa ay 75% gaadho Deked kale Samayn maynana taasina waa xaaraan.
- Prof Azhari ayaa ugu dambayn waxa uu ugu Caqli celiyay Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland inay ogsoonaadaan oo ay Maanka ku hayaan in Dekeda Berberi tahay Isha Keli ah ee Dalka oo dhan Waraabisa,haddii dhaawac soo gaadhana,dalku khal khal gali doon oo la waayi doono Mushaharka Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamadda Qaranka,“Waar dekeda hore cid kugu haysataa majirto Xukuumaday Mushaharka shaqaalaha Dawlada,Ciidamada iyo Nooc uu yahayba Meesha qudha ee Masaariifaysaa Waa Berbera,Halkaasi waad isgawracdeen,waxa la yidhi,”Nin Yidhi Hashaada aan kula maalo isaga oo aan hal kale keenin”,waa Wax layaableh,Waar nimankaasi haddii ay Deked Cusub samaynayaa Dadka ama Shacabku waa ogolyahay Mana diidana,Laakiin Dekedaada hore aan kugula dhuuqno,Wax Caqliga gala maahee,Dhako kale keena”. Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Prof Macalin Azhari oo ka mid ah aqoonyahanka rug caddaaha ee dalku.