|

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo si Buuxda Maalinta Salaasada ee Beri ugu Biiri doona Xisbiga Kulmiye iyo Weydiimaha dul hoganaya

Boorama 13.June 2016 (SDN/QJ):-Waxaa Magaalada Boorama ka socota Qaban qaabada Xaflad Balaadhan oo Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye ku soo dhawaynayo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo la filayo inuu Xisbiga Kulmiye si Toos ah ugu Biiro iyadoo loo balansan yahay Maalinta Salaasada in la qabto Xafladaas.

ku biirista Prof Samatar ee KulmiyeSiyaasigan Prof Samatar ayaa Waxay Weli Su’aali dul saaran tahay Sababaha uu ku Cugtay Xisbiga Kulmiye Maadaama aanay ka banaanayn Jago uu ku Tijaabiyo hankiisa Siyaasadeed Arrimaha isweydiintu dul taalo Waxaa ka Mid ah

Prof Axmed Ismaaciil Muxuu Ku Soo Kordhin Karaa KULMIYE?

KULMIYE Muuxu Ku Soo Kordhin Karaa Prof. Samatar?

Prof Samatar xaqiiqada ka dhex jirta Xisbiga KULMIYE wax ma ka sheegi karaa?

Prof Samatar oo aad u Neceb Qabyaalada Siday Isula Falgelin karaan Isaga Iyo Xisbiga Kulmiye oo ahaa Xisbigii Kowaad ee Nidaam Qabyaaladeed ku xushay ergooyinkii u matalayay Shirweynihiisii u danbeeyay?

Si kastaba ha ahaatee Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa looga fadhiyaa inuu Furfuro Hal-xidhaalayaasha Siyaasadeed ee Mustaqbalkiisa dul hoganaya.

Comments are closed