Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Go’aankii ay Soomaaliya Xidhiidhka Ugu Jartay Iiraan Ku Sheegay Talo Gaaban, Isagoona Somaliland Usoo Jeediyay Inay Afka ka Haystaan Xiisadda Iiraan iyo Sucuudiga
Hargeysa,10Jan,2016(QJ/SDN)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa go’aankii ay dowladda Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku sheegay inay ahayd talo gaaban isla markaana aan si wanaagsan looga fiirsan go’aankaasi.
Prof. Samatar waxa kale oo uu sheegay in haddii dowladda Soomaaliya ay dowladda sucuudigu cadaadis saartay aanay ahayn in markiiba ay is dhiibto oo ay dowladda Iiraan xidhiidhka u jarto, balse buu yidhi ay ahayd in ay arrinta dhex-dhexaad ka noqoto oo aanay fiicnayn in Soomaaliya ay dhex gashay arrimaha labadaas waddan.
‘’Waa talo gaaban oo aan si wanaagsan looga fikirin, haddii pressure la saaray oo sucuudigu saarayna waxaan qabaa markiiba inuu jilibkaagu lilco anigu waxaan qabaa inay markhaati ka tahay inaanad lahayn quwad Qowmiyadeed, labada waddanba ixtiraam inaad siiso oo aad tidhaah idinku dhameysta wixii idin dhex yaalla oo inaad halkaa ka joogto ayaa aniga ila hagaagsan, markaa waxaan qabaa inay tahay qalad in la kala raaco anigu ma qabo oo labaduba waa laba waddan oo islaam ah,..’’ ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
Dhanka kale, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa dowladda Somaliland usoo jeediyay in aanay faraha la galin xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex ooggan Iiraan iyo Sucuudiga, isagoona yidhi; ‘’Anigu waxaan odhan lahaa Somaliland Afkiina haysta, innaka hawlo badan oo kale ayaa innoo yaalla waddan dhiskeennii adduunyada sidaynu macaash uga keeni lahayn ayaa innoo yaalla, qof aan ku xasaradaysan lama xasaradaysto ayaa aniga ila tahay, siyaasaddaaduna waa inay had iyo jeer noqotaa mid iska ilaalisa dab meel ka holcaya in aanad doonan oo aanad ku joogsan ayay aniga ila tahay, markaa madaxda Somaliland sidaas ay uga aamusanyihiin ayaan anigu ku goobaabin lahaa inay uga aamusnaadaan, labadaas waddan ee islaamka ahna in illaahay labadoodaba khayrka waafajiyo ayaan anigu odhan lahaa,..’’
Ugu danbeyntii, Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore sheegtay inay xidhiidhka u jartay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, balse dowladda Somaliland ayaan iyadu illaa hadda ka hadlin xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex ooggan labadan dal.
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland