Prof. AXMAD I.SAMATAR & HIIL-QARAN Maxay Kaga Duwan Yihiin Musharaxiinta Kale iyo Xisbiyada Kale?
Hareeraha raga inaga xigaa hele libtoodiiyeHeeryada gumaysiga ma rido ka u habranaayaayeLama helo wadaadow waxaan cidi ku hawshooneNaftaa loo hantaaqaa waxay hiigso leedahayeTimacade
Hordhac
Sidaad la socotaan dhowr iyo labaatan musharax ayaa u tartamaaya jagada Madaxweynenimo ee Somalia kuwaas oo ka qayb gali doona doorashada qabsoomi doonta bishan 20-keeda. Musharaxyada tartankaa ka qayb galaaya waxaa ka mid ah Professor Axmad Ismaciil Samatar oo ah aqoonyahan muddo sodan sanno ah cilmi baadhis ku samaynaayay arrimaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee qoomiyada soomaaliyeed, aqoon ahaana wuxuu u muuqdaa kan ugu tuka weyn leh musharaxiinta maadamuu muddo 18 sanno ah madax ka ahaa Jaamacad weyn isagoo macadka uu hogaaminaayay aqoonta lagu dhigo dajiyay (James Wallace Professor of International Studies and Founding Dean of the Institute for Global Citizenship) .
Prof. AXMAD ISMACIIL SAMATAR wuxuu ugu horaan bartay cilmiga Siyaasada Dhaqaalaha iyo Taariikhda wuxuuna ku takhakhusay oo PHD ku sameeyay Siyaasada iyo Dhaqaalaha Calamiga iyo Falsafada Bulshada (International politics and economy and social philosophy). Si aad uga bogoto dadaalka aqooneed ee Professor Axmad I. Samatar halkan ka akhriso Warqad nolaleedka Axmada Ismaciil Samatar (Curriculum Vitae).
Magaca iyo afkaarta Prof. AXMAD ISMACIIL SAMATAR kuma cusba soomalida waa aqoonyahan mudo dheer si firficoon uga dhex muuqday doodaha waaweyn ee lagu baadi doonaayay dib u soo noolaashaha qaranka soomaliyeed. Wuxuu safka hore kaga jiray aqoonyahanada geed gaaban iyo mid dheer u korey si ay addunweynaha uga dhaadhiciyaan dhibta lagu hayo ummada iyo qaranimada soomaliyeed. Dadka soomaliyeed ee dhagaysan jiray doodihii Prof. Axmada Ismaciil Samatar iyo maxaadarooyinkiisii badnaa waxay jeclaayeen inuu mar uun Prof. Axmad Ismaciil Samatar ka mid noqdo siyaasiinta soomaliyeed waayo waxay u arkayeen shaqsi mugdi ayna ku jirin wadaninimadiisu, shaqsi u dhiidhiya magaca soomaliyeed ee la ceebeeyay, shaqsi leh aqoontii, kartidii iyo aqligii lagu badbaadin lahaa ummada iyo dalkii hooyo.
Hadaan geeskale ka eegno afkaarta Professor Samatar, waxaan ognahay inuu madasha siyaasadeed ku soo kordhiyay dood xiiso leh. Doodahaa wuxuu Professorku kaga jawaabaa su’aalaha waaweyn ee somalidu isweydiiso ee musharaxiinta kale wali si cad uga jawaabin. Waxaan idiin soo xulay lix amuurood oo Professor Samatar mawqufkiisa ku cadeeyay amuuraha oo sal u ah siyaasada maanta ee Somalia. Hoos ka dhagayso:
Sobobaha Professor Samatar u Galay Siyaasada
Sobobaha professorka siyaasada soo galisay waa dhowr amuurood oo intuba xasaasi ah. Haseyeeshee midbaa la hubaa taas oo ah inuuna Professorku siyaasada u soo galin inuu xoola ka dhaqdo, haddan hadalkiisa tixraacno. Arintaas oo ku cusub dhaqanka siyaasadee ee Afrika wuxuu ku suntay balanqaad cad oo ummada uu la wadaagay: Professor Samatar wuxuu ka dhawaajiyay bishii july sagaalkeedii 2012 inuu mushahar hal doolar ah ugu shaqayn doono dalkiisa haddii uu noqdo madaxweynaha Somalia, arintaana uu ummada horteeda ku saxeexi doono maalinta uu xafiiska qabto. Waa balanqaad cad oo taariikhiya, professor Samatar-na goostay inuu ka dhabeeyo. Waa balan muujinaysa baaxada wadaninimo ee musharaxa Hiil-Qaran, waana siyaasigii u horeeyay ee goostay inuu wadankiisa tabaruc ugu adeego.
Taa haddaan ka tagno, bal aan ku foorarsano Professor Samatar siduu laftiisu u qodobeeyay sobobaha ku riixay inuu madasha siyaasada soo galo. Waraysi Television-ka Somaliset badhtamihii july 2012 la yeeshay Professor Axmad I. Samatar hoosta ka xariiqay amuuraha u door roon ee siyaasada soo galiyay. Wuxuu musharaxa Hiil-Qaran ku jawaabay sidan:
“Aan soo kobo sobobaha igu kalifay inaan siyaasada soo galo waxaa u weyn afar qodob oo kala ah:
- Ka dib soddan sanno oon darsay dalka, dhibta haysata een lafta taabtayna ay balaadhantahay, waajibay noqotay inaan ugu gurmado wixii aan aqoon leeyahay uguna hiiliyo.
- Waxaan arkay baaxada dhibaatada dadkaygii haysa: sida aqoondarada, macaluul iyo faqri xad dhaaf ah. Dhadhaab oo kale waxaa ku jira nus malyuun wax ka badan. Malyuun iyo badh ayaa wadanka gudahiisa qaxooti ku ah. Dadkaygii oo sidaa u cadilan waan u adkaysan kariwaayay.
- Sharaf daro soomali meel walba ka haysata: Addunyada meeshaad tagtaba Somali marka laguu garto waa lagaa yaayaqsoonayaa. Shir weyn oo ka dhacay dhowr sanno ka hor magaalada Ramalla ayuu Nin Dhakhtar ah oo falastiini ah istaagay wuxuuna yidhi: “waar wixii doonaa ha ina gaadhee bal aan iska ilaalino inaan Soomalia oo kale noqono”.Waa falastiin waxa kaa faanaysaa.
- Waxaan aniga iyo dadka ila socdaa garanay in weli rajo nooshahay oo dhibtaa wax laga qaban karo.”
Dhinaca kale haddaan ka eegno, aqoonyahan soomaliyeed oo la yidhaa MUSA AHMED HERSI, looyarna ka ah dalka Holland kana mid ah xubnaha Dhuuxa ee Hiil Qaran ayaan dhawaan faahfaahin ka bixiyay sobobta Prof. AXMAD ISMACIIL ku kalifay inuu madasha siyaasada ku soo biiro wuxuuna yidhi:
“Prof. AXMAD ISMACIIL SAMATAR ayaa maalin igu yidhi waxaan dhagaystay ruux dumar ah oo soomaliyeed oo lagu dhibaateeyay xadka Somalia iyo Kenya, dalkeediina lagu soo dhibay oo dagaal ka soo carartay ayaa la waraystay oo tidhi iyadoo murugaysan “Waxa maanta na haysta garanmaynee, mayna jirin dad islaam ah oo soomali ah oo waxan garanaaya oo sidan noo dhaama?” Su’aashaa muwaadinadaa soomaliyeed isweydiisay ayaa ka mid ahayd wixii Prof. AXMAD ISMACIIL SAMATAR ku kalifay inuu soo galo siyaasada, aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisana ugu gurmado dadkiisa.
Afokaate MUSA AHMED HERSI wuxuu hadalkiisa ku daray isagoo ka hadlaaya Prof. AXMAD ISMACIIL SAMATAR: “Prof. Axmad waa nin Soomali simi kara waayo qabiil ma aaminsana. Waa nin soomali difaaci kara, madaamuu yahay qof adduunka yaqaana , aqoonle, aqoontiisana lagu tixgaliyo. Maanta dalkeenii iyo dawladnimadeenii waxay noqdeen wax la yaso oo wadamada ugu liitaa yasaan, waxaan u baahanahay in shaqsiga aan hoggaan ka dhiganaynaa inuu noqdo nin aan aqoontiisa lagu yasi Karin. Dawlado waaweyn ayaa lala dhaqmaynaa, saraakiil Qaramada midoobay ka socdaa ayaa lala xidhiidhayaa, markaa haddaan ka horgayno dad aqoontoodu xaddidantahay, sidaa kuma soo ceshan karno qaranimadeenii iyo dadnimadeenii”.
Prof. AXMAD ISMACIIL SAMATAR oo ah, sida dadka aad u yaqaana isla heleen, nin run sheeg ah kana warwareegin ka dhawaajinta runta intay doonto ha qadhaadhaatee, wuxuu noqdey musharaxa kaliya ee si cad u soo bandhigay barnaamij siyaasadeed oo dadka u cutama kana dhex muuqato hufnaan ka fog beerlaxawsi. Malaha waa xaqiiqada Afokaate MUSA AHMED HERSI ka siisay sidan : “ Waxaan cadaynayaa inuu professor Axmad yahay ninka maanta soomali ka saari karo dhibta iyo dulinimada, waxaanan u baahanahay inaan la xaasidin qof soomaliyeed oo karti leh”.
Saddex Balan oo Professor Samatar ummada la galay
“Waa inaan keenaa aqoon qoto dheer oon u leeyahay addunyada inteeda kale, wadankeena iyo dadkeenuun maaha, ujeedadeeduna tahay sidii loo helayo danta somalida, loo ilaalinayo danta soomalida iyo sharafka soomalida”
Barnaamijkaa siyaasdeed ee u soo bandhigay waxaa ka mid dhowr qodob oo ka markhaatiya miisaanka siyaasadeed ee Prof. SAMATAR. Inkastoo barnaamijka Hiil-Qaran sagaal qodob oo waaweyn u kala baxo bal hoos ka dheego saddex qodob oo Prof. Samatar dadka balan ugu qaaday inuu ka dhabaynaayo:
1) Balanta koowaad: waxa weeyi inaan ummada soomaliyeed soo hordhigo igana arkaan saddex shay oo astaan u ah hogaanimada:
a) Qofku waa inuu si xalaal ah meesha ku yimaadaa
b) Qofku waa inuu aaminsanyahay kuna dhaqmay imikana aaminsanyahay, mabda’iisana ay tahay waxa loo yaqaano cadaalad
c) Qofku waa inuu leeyahay Karti. Kartida xafiiska uu fadhiisanaayo waa inuu leeyahay.
2) Balanka labaadna: waxa weeyi inaan keeno aqoon qoto dheer oon u leeyahay addunyada inteeda kale, wadankeena iyo dadkeenuun maaha, ujeedadeeduna tahay sidii loo helayo danta somalida, loo ilaalinayo danta soomalida iyo sharafka soomalida.
3) Balanka saddexaad: waxa weeyi, anigu umaan iman inaan Somalia xoolo ka dhaqdo. Ilaahay in igu filan wuu I siiyay. Waxaan u ordayaa waxa weeyi inta cimrigayga ka hadhay inaan ka qaybgalo soo noolayta dalkaygii iyo dadkaygii. ( Horuu u sheegay in haddii la doorto uu hal doolar oo mishear ah ku shaqayn doono dadka hortiisana arrintaa ku saxeexi doono)
Xisbiga Hiil-Qaran iyo qaab-dhismeedkiisa
Siduu Prof. AXMAD ISMACIIL SAMATAR uga dhex muuqdo musharixiinta la tartamaysa ayuu Xisbiga Hiil-Qaran ee uu matalayaa uga duwan yahay urur siyaasadeedyada kale ee hore loo soo arkay ama kuwa ay ka tirsanyihiin raga kale ee madaxtooyada damacu kaga jiro. Hiil-Qaran maaha shaqsi balse waa teem dastuur leh oo ku bahoobay islaanimo, somaalinimo, aqoon, wadaninimo iyo daacadnimo.
Hiil Qaran waxaa la aas-aasay dhawaan xoogna ku leh dibada iyo dalka gudihiisaba xaruntiisuna tahay caasimada Somalia ee muqdisho. Xisbigu wuxuu leeyahay hogaan sare oo loo yaqaano Dhuuxa xisbiga kana kooban 11 xubnood.
Mucjisada Hiil-Qaran waxay ku jirtaa qaab dhismeed kiisa. Kow iyo tobanka xubnood ee dhuuxa loo yaqaan oo uu ka mid yihiin ruugcadaaga dawladeed ABDIRAZAK HAJI HUSSEN, Gudoomiyaha Xisbigu oo ah IBRAHIM MOALIM MURSAL, Xoghayaha Guud ABDI ISMAIL SAMATAR, kama qayb gali karaan tartan siyaasadeed sida Baarlaman iyo doorasho madaxweynenimo. Xubnaha Dhuuxu waxay gaadh ka hayaan ilaalinta dastuurka Xisbiga iyo soo xulida shaqsiyaadka fulinaaya siyaasada xisbiga ee uga qayb galaya hogaaminta dalka. Halkaa waxaa ku cad in madaxda xisbigu ayna damac siyaasadeed oo shaqsiya lahayn, waana arrinta Hiil-Qaran kaga duwan yahay ururada siyaasadeed ee jira amba horey u jirey.
Qaabka lagu soo xulay Professor Samatar
Madaamoo madaxda xisbiga hogaamisaa xil siyaasadeed u ordi Karin, waxaa halkaa ku cad inay isku xil saareen inay baadi doonaan badbaadadii dalka una kuur galaan cidda xilkaa ka soo bixi karta. Waxaa kale oo caddaan ah in hogaamiyeyaasha Hiil-Qaran ku sifoobeen dad aan dan shaqsi ihi wadin waana qodob si weyn u iftiiminaaya daacadnimada iyo wadaninimada aas-aaseyaasha Hiil-Qaran.
Matalan markii xisbigu go’aansadey inuu ka qayb galo doorashada Madaxweynaha dalka, xubnaha Dhuuxa ee Hiil-Qaran waxay isugu yimaadeen shirar isdabajoog ah oo ay ku baadi doonayaan cidda ay u igman karaan inuu dalka hogaamiyo. Dhowr shaqsi ayay soo xuleen ugu dambayna waxay isku raaceen in Professor Axmad Ismaciil Samatar yahay kan leh kartidii looga baahnaa shaqsiga hogaanka sare ee dalka qabanaaya. Prof. AXMAD ISMACIIL SAMATAR markii taladaa loola tagay waxaa lagu yidhi:”Adigaan Axmadow ku dooranay inaad xisbiga uga qayb gasho tartanka doorashada madaxweyne waayo siyaasada iyo mabda’a Hiil-Qaran adigaa ku shaqayn kara”. Sidaa awadeed, haddi musharaxa Hiil-Qaran doorashada ku guulaysto laba dastuur ayaa xakame u noqon doona: waana (1) dastuurka dalka iyo (2) dastuurka xisbiga oo ilaalintiisa ay leeyihiin hogganka sare ee xisbiga oo ah xubnaha Dhuuxa. Sidoo kale waxaa halkaa ka muuqda inuuna prof. Samatar isaga ka iman inuu u ordo jagada madaxweynenimo balse ay tahay arrin ka soo go’dey madaxda Hiil-Qaran. Dhacdadaasina waa mid ka markhaati ah in Hiil-Qaran la falsafad ahayn xisbiyada kale ee dalka ka jira.
Siyaasada Hiil Qaran (3+1)
Hiil-Qaranhaddan nidhi wuu ka duwan yahay xisbiyada kale maxaa u weyn ee la soo qaadan karaa ee ka duwaysa xisbiyada kale marka laga tago kartida shaqsiyaadka xisbiga ku jira?
Qodobka ugu weyn ee Hiil-Qaran kaga duwan yahay kuwa kale waxa weeyi sida loo macnaynayo dhibta iyo mashaakilka soomali haysta ee wadankii ka dhigay kan ugu liita aduunka. Si kale haddii loo dhigo, fahanka dhibta Somali haystaa waa meel, micnaynteeduna waa meel. Haddii la fahmo laakiin aan la macnayn karayn dhibtu waxay tahay dawo lama helaayo. Hiil-Qaran waxuu aminsanyahay inay dhibta fahmeen oo waliba ay macnayn karaan sidaa awadeedna ay banaanka soo dhigayaan dawada iyo sida looga baxaayo dhibtaas ku habsatay Somalia.
Xisbiga Hiil Qaran markuu arkay in wali rajo nooshahay dhibta soomalida ku habsatayna wax laga qaban karo, wuxuu daraashad cilmiyeed ku helay Foormilada lagu badbaadaayo Somalia. Foormiladaas waxay u bixiyeen 3+1. Saddex arrimood waa wadanka gudihiisa tan afraad ee lagu dareyna waa siyaasada dibada iyo caalamka sida loola dhaqmayo.
Saddexda gudaha khuseeyaa waa saddex qodob oo jiritaanka qaranku iyo ummada ku xidhan tahay. Tan afraad ee soo raacdaa waa sidey Somalia ula macaamiloonayso addunka ama sida addunweynuhu Somalia ula dhaqmayo. Waxayna u kala baxaan sidan:
1) Qoomiyada soomaliyeed oo dhawac weyni gaadhay
2) Dawladnimadii oo burburtay (Callapse of our State)
3) Hogaan Xumo amba Hogaan la’aan
4) Addunweynihii oo sanka ka haysta Somalia iyo soomali
Saddexda hore ee inaga inagu xidhan markay iskukaa raacaan waa balaayo iyo baas siduu Professor Samatar dhowr jeer ka dhawaajiyay.
Amuurahaa oo la shiilay lana hufay waxaa si cilmiyaysan oo la taaban karo u darsay Hiil-Qaran waana ta keentay in la aas-aaso xisbigaas madashana ay keenaan aqoonyahan cilmigiisa la duudsiyi Karin si uu u beegsado inuu hogaanka sare ee dalka mayalka u qabto. Professor Axmad I. Samatar oo amuurahaa macnaynaya hoos ka dhagayso:
http://www.youtube.com/watch?v=YTrdBRUPo-o
Su’aashu waxay tahay Somali mudakar ma noqon kartaa oo ma dhiidhiyi kartaa taasna waa su’aal hortaala 275 xildhibaan ee fadhisan doona baarlamaanka Somalia ee iyagu dooran doona cidda dalka hoggaan u noqon doonta.
Xildhibaanada Barlamaanka cusub ma gudan doonaan waajibkooda?
Xildhibaanada Baarlamanka cusub ee bisha 20-keeda dooran doona Madaxweyne soo socda ee Somalia ma noqon doonaan masuuliyiin laabta ku haysa hoogii iyo halaagii dadka iyo dalka soomaliyeed soo mareen? Ma noqon doonaan masuulyiin karaamo leh oo odhan kara sharaftayada siisan mayno xoolo laga soo xadday ummada soomaaliyeed ee ku dhawaad laba malyuun qaxooti yihiin? Ma noqon doonaan rag iyo dumar damiirle oo taariikdu u xusi doontaa sidii halyeeyadii SYL ee gunimada diiday?
Ma noqon doonaan dad u hiisha caruurta iyo haweenka soomaliyeed ee xeerooyinka qaxootiga, sida Dhadhaab, daadsan ee ay ku wiirsadaan asaagood? Ma noqon doonaan dad u sare kaca oo gacan qabta shaqsiga maanta karti u leh inuu Somalia u soo cesho sharafteedii iyo karaamadeedii qaranimo iyo midnimo?
Ma noqon doonaan rag iyo dumar Ilaahay fahansiiyo xigmadii Immanuel Kant ee ahayd U dhaqan si ficilka mabda’aagu u noqon karo xeer caalamku ku dhaqmo? (Act that your principle of action might safely be made a law for the whole world).
Jawaabaha waxaan heli doonaa maalinta bishan sideedaad tahay 20 oo ku beegan maalmaha ciida Ramadaan, maalintaas oo kolay taariikhda Somalia ku suntanaan doonta…wanaag amba xumaan.
Jama O.Geele
Wadhaf News