Police-ka dalka Brazil oo gacanta ku dhigay nin qirtay in uu dilay 42 ruux
Rio de Janeiro Dec 12,2014(SDN/QJ)- Ciidamada Police-ka ee dalka Brazil ayaa sheegay nin gacan ku dhiigle ah oo ay qabteen in uu qirtay in uu dilay 42 ruux tobankii sano ee ina dhaafay
Denbiile Sailson Jose das Gracas oo 26 jir ah ayaa ay Police-ku qabteen ka dib kolkii uu maalinimadii Arbacada ee ina dhaaftay uu haweeney Toori ku geliyay magaalada Rio de Janeiro.
Denbiilaha ayaa ka dib qirtay in uu dilay 37 haweena 3 raga iyo Gabar laba jir ah oo kale tobankii sano ee la soo dhaafay.
Police-ka oo ninkan u soo bandhigay warbaahinta caalamka ayaa sharaaxaad ka bixiyay sababta uu dadkaas oo idil u laayay, waxaana la aaminsan yahay in ninkan uu yahay ruux xanuunsanaya oo dhiigyo cab ah.
“Markii hore waxaan dumarka ka dhici jiray Boorsooyinka, balse markii danbe waxaan dareemay in dilka dadku yahay mid xalad leh” ayuu yiri Sailson Jose Das Gracas.
Police-ka ayaa haatan baaraya xogaha dadkii la laayay tobankii sano ee ina dhaafay si loo hubiyo in shaagashada ninkani ay loo qaateen tahay iyo in kale.
SDN/QJ-Rio de Janeiro