Petra Kvitova oo Ku Guuleysatey Wembledon Grand Slam Markii Ay Khaarijisey Bouchard.(By Jaahuur)
England-05-July-2014-(SDN) Asxaabtay faaladeena ciyaaraha waxaynu maanta ula haajireynaa xagaa iyo cariga Ingiriiska & koobkii Wembledon Grand Slam oo lagu kala faataxeystey.
Saaxiibayaal waxaa labadii wiig ee eynu soo dhaafney si habsami ah ugu socdey tuulada quruxda badan ee lagu magacaabo Wembledon kubadda Tenis-ta waxaana ka soo qeybgala ciyaartooy badan oo iskugu jiira gaabdho iyo wiilal sannad walba.
Ciyaartan Tenis-ta ayaa la ciyaaraa wakhtiyada kuleylaha waxaana u soo u soo dheregdhacsi taga dadka waaweyn ee lacagta leh.
haddaba aan u soo guda galno ciyaartii kama dambeysta ahayd ee gabdhaha kala kalida ah,waxaana foodda isla galey Petra Kvitova oo u dhalatey Czech iyo Eugenie Bouchard oo iyana ka soo jeeda Canada.
24-jirtan ee reer Czech Petra ayaa sannadkii 2011-kii horey ugu guuleysatey Koobka Wembledon Grand Slam,halka Bouchard aay tahay markii ugu horeysey oo aay soo gaadho Final.
Bouchard oo 20-jir ah ayaa reer Canada oo dhan meel kasta ka taageerayeen bacdamaa oo markii ugu horeysey taariikhda heerkaa la soo gaadho.
Ciyaartu markii aay bilaabantey Petra oo ciyaar wanaagsan soo bandhigtey ayey ciyaartuba ku qaadatey 55-daqiiqo oo kaliya iney ku badiso 2-dii (SET) ee ugu horeeyeyba 6-3-6-0.
Barina waxaa isu balansan Roger Federer iyo Novak Jokovic haddii eebe ka dhigo.
W/qorey Jaahuur
SDN jjaahuur@qurbejoog.com