Paris: Nin Gaadhi Jiidhsiiyey Baabuur ay Leeyihiin Ciidanka Booliska ee Faransiiska
Paris 21. June 2017 (SDN/QJ):- Dalka Faransiiska magaalada Paris nin ayaa gaadhi jiidhsiiyey gaadhi ay leeyihiin Booliska Faransiisku, booliska ayaa shegay inuu ahaa isku-day weerar.
Ciidanka Amaanka Faransiiska ayaa sheegay inuu keliya ku dhintay ninkii baabuurka jiidhsiiyey gaadhiga Booliska. Waxa ay ka mid tahay dhacdooyinkii lagu beegsanayey ciidanka Amaanka Faransiis ee beryahan ka dhacayey dalkaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegay inay xaalada gacanta ku hayaan oo ay degan tahay.
Gaadhiga ninka dhintay watay waxa laga helay waxyaabo qarxa iyo hub ay ka mid yihiin midiyo iyo qori, afhayeen u hadashay wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay haatan goobta ku baadhayaan khuburo ku takhasusutay qaraxyada, si loo hubiyo bal inay khatar kale jirto iyo in kale. Madaxda Faransiisk ayaa sheegtay inuu ninkani ahaa 31 jir, kuna hawlanaa arrimo xagjirnimo, oo ay ka warhayeen inuu hawlahaasi ku jiray. Waxa laga helay gaadhigiisa qoraal lagu amaanayo kooxda ISIS, oo ku jiray xaga dambe ee baabuurka.
Dhacdadan ayaa imanaysa laba bilood ka dib markii nin Boolis ah toogasho lagu diley, saddex cisho ka hor wareegii koowaad ee doorashadii madaxtinimo ee Faransiiska.
Dalka Faransiiska ayaa hoy u noqday weeraro ay geysanayaan kooxo Jihaadiyiin ah, taaso keentay in dalka la geliyo xaalad deg-deg ah bishii Noofambar ee sannadkii 2015, markii ay kooxda ISIS 130 qof ku dishay magaalada Paris.