Pakistan Oo Dadkeeda iyo Ajaanibka Martida u Ahba Ku Khasabtay Qaadashada Dhibaca Tallaalka Dabaysha
Islam abaad:June,01,2014(SDN/QJ)-Muwaadiniinta iyo Ajaanibka ku dhaqan Dalka Pakistaan ayaa Dawladda Dalkaasi waxay khasab kaga Dhigtay inay Qaataan Dhibcaha Talaalka Dabaysah.
Xukuumadda Haatan Talada Haysa ayaa sheegtay inay Khasab tahay in dhammaan umadaha ku dhaqan Pakistan ay qaataan Tallaalka Dabaysha, maadaama Warbixin dhawaan Hay’adda WHO ay soo saartay Lagu caddeeyey In Virus-ka Dabaysha Keenaa ku soo Badanayo Pakistan.
Qofkasta oo ka baxaya dalka Pakistan ayaa sidoo kale Shuruud looga dhigay inuu qaato Tallaalka Cudurka Dabaysha, waxaana Xarumaha Isbitaalada waddankaasi laga furay goobo dadka lagu talaalayo, iyadoo dadka Ajaaniibta ah ay ka shakisan yihiin, waxa uu yahay talaalkan Khasabka ah.
Wasaaradda Caafimaadka Dalka Pakistan iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa si isku mid ah dadka reer Pakistan, waxaa ay ugu yeedheen in ay is talaalaan, waxaana Wasaaraddu ay sheegtay in Cidna aanay waddankaasi ka dhoofi karin illaa ay talaalkan qaadato.
Dalka Pakistan waxaa uu ka mid yahay illaa Saddex Waddan oo Caalamka aan wali laga Cidhibtirin Cudurka Dabaysha, waxaana Waddamadaasi ka mid ah Cameroon iyo Siiriya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com