|

Pakistan iyo Mareykanka oo Bilaabay Wadahadalo Dhinacyo Badan Taabanaya

Islamabad Aug 02,2013(SDN)-Xogahayaha arrimaha dibedda John Kerry iyo Dhigiisa Pakintan Saraj Casis ayaa shegay in labada dal ay dhawaan dib u bilaabi doonaan wadahadalo u badnaan doona Amniga.

Kerry ayaa sidoo kale sheegay in uu Raiisul wasaaraha Pakistaan Nawaz Shariif u fidiyay casumad uu ku booqdo Washington si uu ula kulmo madaxweyne Obama.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo maanta in aanu ku heshiinay in aanu dib u furo wadahadaladii muhiibka ahaa si aanu u kobcino xiriirkeena”ayuu yiri Kerry oo booqanaya dalka Pakistan.

Wadahadaladan oo bilowday sanadii 2010kii ay hakad ku yimi ka dib kolkii Mareykanku sanadii 2011kii ciidamadoodu dalka Pakistan ku dileen shacab iyo Askar.

Mareykanka ayaa haatan hoos u dhigay tirada weerarda ciidamadoodu ku qaadaan degaanada dalka Pakistan ee lagu tuhmo argegixisada.

SDN-Islamabad
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed