Pakistan: Duuliye Diyaaradeed Oo Seexday Iyo Halista Uu Galiyey 305 Qof !
Pakistan 14. May 2017 (SDN/QJ):- Shirkada Diyaaradaha ee Pakistan’s Airlines ayaa shaqada ka joojisay Duuliye Diyaaradeed markii uu halis galiyay nolosha 305 qof oo saarnaa diyaaradaasi kadib markii uu ka kacay goobtii uu diyaarada ka waday isla markaasana uu seexday mid ka mid Kuraasta u gaarka ah Dadka Maalqbeenada, arrintan oo lagu soo bandhigay Wargeyska Independent ayaa lagu cadeeyay in rakaabkii saarnaa Diyaaradaasi inay sheegeen inay aad u cabsi qabeen intii ay Diyaaradaasi Hawada ku jirtay.
Dhinaca kale, Khabiirka dhinaca Duulimaadyada ee la yidhaa John Walton ayaa yidhi “Waxa habboon in shirkadaha Diyaaraduhu ay laba Duuliye u sameeyaan diyaarad kasta, taasi oo ah sida caadiga ah ee loogu tala galay diyaaradaha, si marka uu Duuliye u baahdo nasasho ka kale u galo halkiisa, balse halkan waxa ka cad in diyaaradaasi uu waday Duuliye kaliya waana arrin aad u halis ah”.