|

Sidee ayuu Bangiga dhexe ee Somaliland u hormarinkaraa qaabka uu u maamulo sicirka lagacta

Waxa aynu marka hore ka hadli doonaa muhiimada uu isbedbedalka sicirka lacagtu u  leeyahay dhaqaalaha wadanka. Marka xigta waxa aynu soo bandhigi doonaa hab cusub oo uu bangiga dhexe ee Somaliland kor ugu qaadi karo maamulka sicirka lacagta taasi oo iyana sare u qaadi doonta dhaqaalaha wadanka.

Waxaa muhim ah in aynu isla garano in Bangiga dhexe uu yahay haayada ugu muhimsan ee wadan leeyahay. Sababta oo ah Bangiga dhexe wuxuu saamayn wayn ku leeyahay gabi ahaanba ganacsiga wadanka, maalgashiga, Shaqo abuurka, Sharciyeynta iyo shuruuc u dejinta bangiyada iyo haayadaha kale ee ka ganacsada lacagta, dejinta sicirka lacagta,qarashka ay isticmaalayaan iyo ashyaada ay ku isticmaalaan uma dalkaas ku nooli iyo weliba waxa ay qarash garaynayso Dawlada wadankaasi. Shaqooyinka ugu waaweyn ee uu qabto
Bangiga dhexe waxaa lagu soo koobi karaa shantan qodob:

A) In uu fuliyo siyaasada lagu maamulo lacagta suuqa ku jirta iyo weliba siyaasada sicir goynta lacagta

B) Maamulka daynta lagu leeyey qaranka

C) Kormeerka suuqyada bangiyada

D) In uu bangi u noqdo dawlada iyo weliba bangiyada kale

E) Iyo in uu noqdo hay’ada badbaadisa hadii bangiyada kale kacayaan/albaabadu uxidhmayaan.
Hadaba bal aynu is waydiino muhiimahada uu sicirka lacagtu u leeyahay dhaqaalaha wadanka. Dhaqaalahanadu waxa ay il gaara inta badan ku eegaan sicirka lacagta sababta oo ah sicirka lacagta oo saamayn wayn ku leh alaabta la soo dejiyo iyo alaabta la dhoofiyo.

Waana hab ka mid ah hababka lagu cabiro tartanka dhaqaale ee wadan kula jiro wadamada kale ee qayrkii ah. Bal hada tusaale kooban aynu usoo qaadano wadankaasi China oo ku caanah dhiirigelinta alaabta uu dibada u dhoofiyo. Waxaa hubaal ah in kobaca dhaqaalaha China ay ugu wacantahay alaabta uu dibada u dhoofiyo oo aad uga badan inta uu dibada ka soo dhoofsado.

Hadaba si uu wadankaasi China u dhiiri galiyo alaabta uu dhoofinaayo waxa
uu Bangiga dhexe ee China (People’s Bank of China) hoos u dhigaa qiimaha sicirka lacagtiisa (Renminbi). Talaabadani waxa ay saamaysaa qiimaha alaabta China lagu sameeyo oo runtii ka jabnaata alaabta lagu sameeyo wadamada kale. Waxaa bilaabanta in wadamada kale alaabta China ku soo daldashaan qiimo jaban. Hoos u dhigida qiimaha lacagta China qudha ma jabiso sicirka alaabta China lagu sameeyo, waxa kale oo ay dadka ku dhaqan wadanka China ku qaaali garaysaa alaabaha lagusameeyo wadamada kale.

Tanina waxa ay ku dhiiri gelisaa dadka China in ay iibsadaan alaabta lagu sameeyo wadanka gudihiisa. Hadaba alaabta dibada loo dhoofiyo oo korodhaa maxay faa’iido dhaqaalaha u leeyey?

Shirkadihii wadanka gudihiisa ku yaalay marka ay kordhiyaan xadiga alaabta ay dibada u dhoofiyaan waxaa bilaabmaysa in shirkadihii maalgashi badan sameeyaan si ay u daboolaan baahidaa cusub ee soo baxday ee kusaysa alaabta dibada loo dhoofinaayo. Waxa kale oo shirkaduhu bilaabaan in ay shaqaale badan qaataan.

Shaqaalahan badan ee la qaatay laftoodu qayb ka mid ah dakhligooda waxa ay dib wax uga iibsadaan shirkadaha wadanka, taasina waxa ay sababtaa in shirkadihii kordhiyaan xadiga alaabta ay soo saaraan si ay u daboolaan baahidan cusub. Sidaas ayay ku socotaa dhaqaalaha dalkaasina ku koraa.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aad moodaa in lacagta dollarku aasaas u noqday dhaqaalaha dalka Somaliland.

In lacagta Somaliland shilling ay ku xidhnaato dollarka maaha talaabo xun
laakiin waxaa dhaqaalaha ragaadinaya lacagta dollarka ee aasaaska u noqotay dhaqaalihii.

Sideedaba waxaa qiimaha lacagi leedahay sare u qaada dalabka lacagtaasi ee ka yimaada dadka iyo shirkadaha. Waxaa muhim ah in wadamada kale marka ay wax inaga iibsanayaan ay ku iibsadaan lacagta Somaliland shilling ee aanay ku iibsan lacagtooda sida aanay iyaguba u ogolayn in lacag qalaad wadankooda wax lagaga iibsado. Waxa kale oo muhim ah in Dawlada Somaliland marka ay bixinayso mashaariic ay ku bixiso lacagta Somaliland shilling.

Si uu Bangiga dhexe u kaantaroolo suuqa lacagagaha, waxaa muhmin ah in uu jiro suuq magaciisa la yidhaahdo Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad. Tani waxa ay u sahlaysaa Bangiga dhexe inuu gacanta ku hayn karo sicirka lacagaha qalaad iyo ta Somalilandba.

Suuqan yaa ka ganacsan doona? Waxa ay noqon doontaa in suuqan ay ka ganacsanaan:

Bangiga dhexe,Dilaaliin, Xawaaladaha iyo Macaamiisha xawaalada. Waana kan qaabka uu u shaqayn doonaa isaga oo sawir ku muujisan:

Inta suuqan ka ganacsataa waxa ay u badnaan doontaa in ay ku wada xidhiidhaan taleefoono,fax iyo emailo. Macaamiisha xawaalada oo u badan ganacsato ayaa sarifka ka iibsanaysa xawaalada.

Waa qaabka suuqani u shaqaynayee, xawaaladuhu waxa ay leeyihiin xidhiidh
waana kala ganacsadaan inta badana xawaaladu waxa ay sii martaa Dilaaliinta oo aad uga

Bangiga Dhexe
Dilaal
Dilaal
Xawaalad
Xawaalad
Xawaalad
Xawaalad
Macaamiisha
Xawaalada
Dilaal
Dilaal
Xawaalad

warhaya sicirka suuqu marayo iyo inta xawaalad waliba ku sarifayso. Hadaba shaqada Banigag dhexe waxa ay noqondoontaa in uu si gaara u daawado sicirka is bedbedalaaya ee suuqan.

Hadii bangigu arko in lacag badan oo Somaliland shilling ahi suuqa soo gashay
wuxuu iibsanayaa shillingka Somaliland.

Hadii uu arko in suuqa ay ku yaraatayna wuxuu iibinayaa shillingka Somaliland.

Habkani waxa uu u sahli doonaa in Bangiga dhexe ee Somaliland uu maamulka sicirka lagacta wada gaadhsiiyo dhamaan lixda gobol ee Somaliland isaga oo runtii aan ubaahnayn in uu tago gobol walba.

Mustafa AwJama

 

Comments are closed