|

Orodyahank Mo Farah Oo Ka Sheekeyey Wakhti Uu Jaad Badan Cunay Iyo Mirqaankii Kasoo Maray

London:Sep,11,2015(SDN/QJ)-Orodyahanka u dhashay Somaliland, balse u orda Dalka Britain, Mohamed Farax, ayaa caddaystay inuu sanadkii 2003-dii uu cunay waxoogaa qaad ah, isagoo intaas ku daray in xilligaas aan maandoorayahaas si rasmi ah looga mamnuucin wadanka Ingiriisa.

farxMo Farah oo warbaahinta Dalka ingiriiska laga leeyahay u warramay, ayaa sheegay inay ujeeddadiisu ahayd inuu jaadka tijaabo ka qaado, maadaama ay dadka soomaalida ah si weyn ugu waalan yihiin,  “Waxa kaliya ee aan doonayey inaan tijaabiyo  ama dhadhamiyo geedka Jaadka. Marka aad qaadka cunto waxa aad dareemaysaa sidii aad cabtay toban koob oo Bun ah. Waad mirqaamaysaa oo si xooggan ayaa u fikiraysaa, waxyaabo baddana waad qorshaynaysaa wax dhib ah oo kugu dhacayaana ma jirayaan. Guriga ayaanad tegaysaa laakiin ma gam’aysid, waana nooc yara dawakhaad ah, wax kastastaana way kuu fiican yihiin markaad jaadka cunayso, balse maalinta labaad wax kugu dhacayaa ma jirto, waana wakhti lumis kaliya wax la qabanayaana ma jirto,” ayuu yidhhi Mo Farah.

Waxa kale oo uu Orodyahanku intaas ku daray in sheekada mirqaanka jaadku tahay mid aan midho-dhal lahayn oo khayaali maskaxdu qurxiso ah, balse marka la cunayo uu qofka u sawiro fikrado iyo qorsheyaaal qurux badan, aakhirkana dhalanteed noqda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed