|

Orodyahan Reer Somaliland Ah Oo Guul Usoo Hooyay Dalka Jabuuti

BYdgoszcz,25,7,2016 (QJ/SDN) – Dalka Poland gaar ahaan magaalada Bydgoszcz waxa dhacay Tartan caalami ah oo dhanka orodka ah, kaasi oo ay ka qayb-galeen orodyahanno kala duwan oo caalamka oo dhan ka kala socotay.

Tartankan oo ahaa mid la ordaayay 5000-metter ayaa waxa guul wayn kasoo hooyay orodyahan reer Somaliland ah balse matalaayay dalka Jabuuti isla markaana ku ordaayay magaca dalka Jabuuti kaasi oo lagu magacaabo Jamaal Cabdi Diiriye [Daallo].

Orodyahan Daallo ayaa tartankan ka dhigay wacdaro la yaableh isagoo kaalinta labaad galay halka kaalinta koowaad uu galay orodyahan u dhashay dalka Itoobiya.

Jamaal oo assal ahaan reer Hargeysa ah isla markaana ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa ee ciyaartoyda ah ayaa waxa uu meel sare gaadhsiiyay magaca iyo calanka dalka Jabuuti. Waxaana uu ku guulaystay Billada lacagta ah.

Dhanka kale, Xoghayaha dhalinta iyo ciyaaraha dalka jabuuti Mudane Xasan Maxamed Kaamil ayaa hambalyo u diray orodyahan Daallo oo isagu dalkaasi magac wayn usoo jiiday.

jamaal 1jamaal 2jamaal 3

Comments are closed