Orodyahan Mo Farah Oo Markale Ku Guulaystay Billad Dahab Ah Xilli Eedo Dhinaca Isticmaalka Daroogada ah Loo Jeedinayo
Beijing:Aug,23,2015(SDN/QJ)-Orodyahan Moi Farah oo haysta dhalashada waddanka Uk, balse u ah wiil kasoo jeeda Somaliland, ayaa ku guulaystay biladii ugu horaysay oo dahab ah oo Britain ay ka hesho orodka ciyaaraha adduunka 10,000m ee ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Mo, ayaa wariyayaasha u sheegay inaanay sahlanayn in lagu ordo qorax aad u kulul, labaatan iyo toddobo daqiiqo.
Mo Farah ayaa toddobo sano ka hor waxaa uu ka mid noqon waayey orodyahanadii ku tartamaysay garoonka ku yaal magaalada Beijing ee dalka Shiinaha isagoo ku suuxay kuleyl jirey awgii kuna hadhay wareega koowaad ee tartanka Olombikada ee 5,000m.
Wareegii ugu dambeeyay tartanka ayuu Mo Farah oo 32 jir ah waxa uu si xowli ah ku dhaafay orodyahanada reer Kenya ee Geoffrey Kamworor iyo Paul Tanui. Waxana ay noqotay billadan uu ku guuleystey tii 4-aad ee tartan caalami ah oo ku guuleysto.
Mo Farah ayaa ku tilmaamay tartankan ugu dambeeyay inuu ahaa mid aad u adag isagoo cabsi xoog leh ka qabay orodyahanada ka soo jeeda Bariga Afrika ee Kenya iyo Ethiopia hase ahaatee wareegii ugu dambeeyay ayuu si xowli ah ku dhaafay orodyahanadaa oo rajo ka qabay in ay arkaan iyagoo gadaal u fiiriya orodyahanka ka soo jeeda dalka Soomaaliland balse haysta dhalashada dalka Uk.
SDN/QJ