Orodyahan Mo Faarax Oo Hiil Uu u Baahna Ka Helay Guddiga Ciyaaraha Fudud Ee Dalka Britain
London:Aug,02,2015(SDN/QJ)-Kadib Toddobaadyo eedo ah oo uu hoy u noqday Oradyahan Mo Faarax, ayey Guddiga Ciyaaraha fudud ee Dalka Britain soo saareen qoraal ay arrimahaas kaga jawaabayaan, waxana ay sheegeen inaanu Orodyahanku isticmaalin Daawooyinka loo adeegsado Firfircoonida Murqaha,oo horey loogu eedeeyey inuu isticmaalo.
Mo Farah oo 32-jir ah waxa uu mar kale xaqiijiyey inuu nadiif ka yahay Eedeymaha lagu sheegay inuu Daroogooyin isticmaalo marka uu ka qeyb galayo orodka.
Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Britain (UKA) ayaa sheegtay inaysan daabici doonin Warbixinta oo dhamaystiran tan iyo inta laga qabanayo Ciyaaraha Fudud ee Caalamka oo bishan August 22-da ilaa 30-da lagu qaban doono caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing.
Orod-yahan Mo Farah ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo Tartankaasi, si uu u difaacdo Horyaalnimadiisa Orodka 5,000 mitir iyo 10,000 mitir.
Mo Farah waxa uu toddobaadkii hore ku guuleystay Tartanka Orodka ee 3,000 mitir oo lagu qabtay magaalladda London.
Dhinaca kale, Tababarajhaa Ciyaaryahankaasi oo lagu magacaabo Alberto Salazar ayaa waxaa bishii June ee la soo dhaafay lagu soo oogay inuu isticmaalo Darooyinkaasi, kadib, markii lagu ogaaday baadhitaano la sameeyo inuu Tababaruhu isticmaalo Daroogadda.
Tababarahaasi ayaa laga joojiyey shaqada,waxaanaOrdodyahanMo farah layliya Tababare kale.
SDN/QJ