|

Olole Nadaafadeed Oo Madaxweyne Siilaanyo Hoggaaminayo Oo Maanta Hargeysa Laga Hirgeliyey

Hargeysa:April,07,2015(SDN/QJ)-Olole Nadaafadeed oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Maanta Laga Hirgeliyey Caasimadda Hargeysa, iyadoo Masuuliyiin kala duwanina kala qaybqaateen Nadiifinta Magaalada.

DSC02073Madaxweynaha, ayaa saaka socdaal dheer  oo kormeer ahaa kusoo maray Gebi ahaanba Goobaha xashiishka laga gurayey, waxana uu gacantiisa kaga qaybqaatay guridda qashinka, isagoo shacabkiisa kala qaybgalay Ololaha nadaafadeed ee qashinka Magaalada lagaga nadiifinayey.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kormeerka uu kusoo maray Goobaha magaalada Qashinkeeda lagu ururinayey Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada, waxana uu  hadal kooban oo ka jeediyey mid kamid ah Goobaha Qashinka laga  ururinayey ku faahfaahiyey muhiimadda  ay leedahay in qashinka la guraa.

Goobaha uu Madaxweynuhu soo maray, ayaa waxa kamid ahaa Meelaha isku raranta ah ee dadka danyarta ahi deggen yihiin Xaafadaha Daami iyo State-house, waxana uu dadkweynaha xaafadahaas deggen iyo masuuliyiintaba ku dhiirirgeliyey inay Qashinka iska guraan oo nadaafadda Magaalada Kor u qaadaan.

Ololahan Nadaafadeed ee Maanta Bilaabmay, ayaa ah mid kor loogu qaaday Bilicda Gebi ahaanba dalka, waxana ay muddo toddoba maalmood ah kasii socon doontaa Dalka oo dhan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed