OGEYSIIS:Barnaamij Taxane ah iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Somaliland Md Cali Sanyare oo nooga waramay marxalada dalku ku sugan yahay
Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali Sanyare) oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa, isagoo joga magaalada Jineefa (dalka Swiserlaan), aannu la yeelanay
wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanya. Waa wareysi taxana ah oo socon doona
6 (lix todobaad).Ka daawo qurbejoog.com wareysigan taxana ah markii laga bilaabo maalinta jimcaha ah ee bisha Janwari tahay 30ka, 2015ka ila 6da Maars, 20015.
Muxuu ku tilmaami Wasiir Cali sababaha keenay isbedel doonkii xisbiga Kulmiye
UDUB xukunka kaga tuuray. Maxaase yihiin hadda astaamaha kale ee guuxa bulshada kasoo baxaya ee keeni kara isbedel kale oo saaxada ka saara Xisbiga KULMIYE.
Wuxuu Wasiir Cali qaada dhigi doona, si tafatiran, sababaha loo aaneynayo gaabiska ku yimid diiwaangelintii loogu baahna doorashada food inugu soo haysa iyo cida masuuliyad darida loo xambarinayo. Wuxuu, sido kale, saadaalin doona shaxdan
muuqata ee la degi doono, natiijadii ka soo bixi doonta haddii sadaalintiisu rumowdo
Iyo saameynta ku yeelan karto geedi-socodkii diimoqraadiyadeed iyo qarannimo ee somaliland. Wuxuu ka faaloon doona xiisadaha colaadeed iyo siyaasiyadeed ee ka
allowsan gobalada darafyada, isagoo talloooyin wax ku ool ah u gudbin doona cidii
ay khuseyso, Kuwaas oo uu ku jiro Suldan Waber.
Wuxuu Wasiir Cali is-dultaagi doona gaabiska ka taagan higsigii ahaa in nidaam maaliyadeed oo hufan loo sameeyo somaliland si loo yareeyo hogdaloolada sharci iyo nidaam ee ka jira nidaamka maaliyadeed, si ay u suuragasho in xafiisyada iyo ha’yada -ha ay khuseesa waajibaadkoodii gutaan, madmadowga iyo musuquna meesha ka baxaan. Wuxuu kaloo qiri doona awoodaha dastuurka ku cad ee u fasaxaya xukuumada maamulida dhaqaalaha. Hase ahaate, wuxuu farta ku fiiqi doona sida iyadoo sharcigii iyo nidaamkii raaci lahaa loo sameynin fulinta qodobada dastuurka ay
xukuumadu qaadato go’aano dhaliya buuq iyo muran sida kuwa ku saabsan
ku wareejinta hantida qaran ee lawada leeyahay dhinac kale oo ka baxaan xeyndaabka
dawladeed.
Wuxuu Wasiir Cali ka hadli doona TACABIRKA ama TAHRIIBTA iyo sidii horeba looga
marowaayey xakameenteeda, Iyadoo, si mug leh, afar qodob uu sheegay wax laga
qabto mooyaane. Wuxuu kaloo fasiri doona sida TACABIRKA ama TAHRIIBTA Lola
saaxibo, dalalkii ka faa’ideystay saaxiibtinadeeda kuwee ahaayeen, iyo faa’idoonyinka dhaqaale iyo aqooneed ee TACABIRKU ama TAHRIIBTU u keeno dalka hooyo iyo dalka soo-galootiyadu ku saldhigeen .
Wuxuu noo sheegay in intii xisbigiisii UDUB uu saaxada ka baxay, aannu xisbina ku
biirin, laakiin uusan siyaasada ka bixin. Sidii horeba uu u sameeyeyna uu u iftiimin
doona bulshada ra’yigiisa ku wajahan doodaha siyaasadeed ee ka allowsan somaliland. Wuxuu kaloo taaban doona faraq a u dhexeeya ee dhaqaale siyaasiyiinta dalalka dhaqaalahoodu soo korayo iyo kuwa dhaqaalahoodu hore u maray iyo sida
bulshooyinkooda ugu kala shaqeeyaan.
Ugu dambeyntii, wuxuu Wasiir Cali u soo jeediin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliland, labada xisbi qaran ee mucaaridka ah iyo bulshada
somaliland talooyin iyo tusaalooyin qiimo leh.
Baahinta qeybaha kala duwan ee wareysiga wuxuu socon doona lix todobaad marka
Laga bilaabo MAALINTA JIMCAHA EE BISHA JANAWARI TAHAY 30k, 20015. WUXUU SOO BIXI DOONA TODOBAAD WALBA MAALINTA JIMCAHA EE
TAARIIKHDUNA KALA TAHAY.
>>>>>>>>> . 30k Janawari, 20015 iyo
>>>>>>>>> . 6da,13ka,20ka iyo 27ka Febarwari, 20015 iyo
>>>>>>>>> 6da Maars, 20015