Ogaysiis Kulanka Sabtida, August 8, 2015, London ee warbixinta dhismaha Wadda Cad (Hargeisa-Aware).
Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan Qurbajoogta Beesha Ciidagale ee ka soo kala jeeda Somaliland iyo Ismaamulka DDSI in ay ka soo qayb galaan kulan laga war bixin doono qorshaha iyo tabaabushaha wejiga seddexaad ee dhismaha waddada Cad ee Hargeysa-Aware iyo horumarka degaanka Beesha Ciidagale ee labadda dhinace ee Xuduuda (Somaliland iyo Eithiopia),
Kulankaas waxaa inoogu marti ah kana hadli doona Mohamoud Muse Gooni oo ah Xubin ka tirsan gudiyada Farsamadda iyo dhaqaalaha Wadada Cad ee Hargaysa-Salaxley-Ina Guuxa, oo safar shaqo ku jooga UK iyo xubno ka tirsan qurbajoogta Beesha ee DDSI ee London.
Haddaba waxaa lagu wergelinayaa dhamaan ururadda horumarinta ee ka soo jeeda degaanadaas kuna sugan London ee ay ka mid yihiin Gaaroodi, hablaha Gaaroodi, Hal-door, Gacan Qabad iyo qurbojooogta kale ee ka soo jeedda dhinaca Somaliland iyo dhinaca DDSI ee Ciidagale in ay ka soo qayb galaan kulankaas muhiinka ah ee lagaga warbixin doono dhismaha Wadada Cad ee Hargeisa ilaa Aware halkay marayso iyo waxa dhiman guud ahaan iyo weliba warar muhiim ah oo quseeya horumarinta degaanka Beesha ee labada dhinac ee Xuduuda.
Kulankani waxaa uu gogol fiican u yahay ururadda degaanku in ay ku soo bandhigaan oo ay ay warbixin kooban ka bixiyaan wax qabad kooda iyo ku tala galkooda ku aadan horumarinta degaanka dhinaca magaalada hargeysa iyo degaanadda miyigaba.
Shirku wuxuu dhici doona haddii Eebe idmo maalinta Sabtida, August 8, 2015
Goobta Kulanku waa Gainsborough Tower Resource Centre, Academy Gardens, Northolt, UB5 5PF (Opposite the PCWorld in Northolt). Waxaa uu shirku bilaabmi doona 4 galibnimo ilaa 8 Galabnimo.
Waxaaa lagu wargelinayaa ka soo qayb galayaasha kulan in aanay goobta ka dhawayn wax meherada ahi, sidaa daraadeed waa in qof walib hore u soo qaato wixii u baahan yahay inta kulanku socdo.
Kulankan waa kulan si cilmiyeysan loogu soo bandhigi doona qorsha wejiga seddexaad ee wadda cad lagana war bixin doon wejiga dhamaystirka wada cad ee ka bilaabmidoona Ina guuxaa ilaa Aware oo ay fulindoonto DDSI sida qorshu uu yahay.