Odoyaasha loo qorsheeyey in ay saxiixaan dastuurka maamulka Gobolada dhexe oo lagu wado maanta in markale lasoo hordhigo dastuurka maamulkaasi
Cadaado June 07,2015(SDN/QJ)-Wararka aynu kaheleyno Magaalada Cadaado ee Xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegaya in odoyaasha soo xulayo baarlamaanka maamulka gobolada dhexe sidoo kalane saxiixayo dastuurka maamulkaasi maanta dib loogu celinayo xaruntooda si markale loosoo hordhigo dastuurka maamulkaasi uu yeelano.
Wararku waxa ay intaasi kusii darayaan in xubno ka socdo wazaaradda arimaha gudaha oo ku sugan Magaalada cadaado ay kulamo la qaadan doonaan xubnaha odoyaasha ah ee dhawaan diiday ansixinta dastuurka maamulkaasi.
Qaar kamid ah odoyaashu oo aynu la hadalnay ayaa sheegay in kaliya ay dastuurkaasi u ansixin karaan markii ay dib u eegis ku sameeyaan qodobada dastuurkaasi.
Waxayna odoyaasha ay intaasi kusii dareen in maanta hadii loo ogolaado in ay badalaan qodobada qaar isla markaana ay kusoo kordhiyaan qodobo kale ay ansixin doonaan dastuurka maamulka KMG ah ee loo dhisayo gobolada dhexe ee dalka.
SDN/QJ-Cadaado