|

Odoyaasha Baydhabo iyo Ciidamada AMISOM uu kulan Yeeshay

Baydhabo March 23 2013 (SDN)— Kulankaan oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay ayaa waxaa looga hadlay ka bixitaanka ciidanka Ethiopia ee Gobalada Baay iyo Bakool.

Odayaasha dhaqanka ee Gobalka Baay iyo sidoo kale saraakiil ka socotay AMISOM ayaa yeeshay kulanka iyadoo Saraakiisha AMISOM ay shaaciyeen in ciidanka Ethiopia howl badan ay qabteen.

Sarkaal kamid ah saraakiisha ciidanka AMISOM ayaa usheegay warbaahinta in ciidanka Ethiopia kaalin muuqato ay ka qaateen dadaaladii Shabaab Gobaladaasi looga saaray.

Wuxuu sheegay in hadii ciidanka Ethiopia ay si toos ah uga baxaan Gobalada Baay iyo Bakool ciidamada AMISOM ay qaban doonaan howlo adag oo ku aadan inay buuxiyaan goobaha ciidankaasi ay ka baxaan.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Gobalka Baay ayaa shaaca ka qaaday in deeganada ciidamada Ethiopia ay ka baxeen ee Gobalka Bakool durba shabaab ay ka geesteen tacadiyo ka dhan ah dadka deegaanka.

Ciidamada Ethiopia ayaa dhawaan isaga baxay Magaalada Xudur ee Gobalka Bakool iyadoo durba halkaasi ay la wareegeen ciidanka Shabaab.

SDN-Baydhabo 

Comments are closed