|

“Odeyga(siilanyo) sidii Xabiib burqiibana magaciisa nalagu maali maayo, Aniguna xagga madbakha taataaban maayo oo Madbakhu wuu awood badan yahaye…..,” Xildh. Xoog

Hargeysa:Oct,18,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(xoog)oo kamid ah Mudanayaasha Xisbiga waddani ku leeyahay Golaha Wakiillada somaliland, ayaa dhaliilo kulul u jeediyey xukuumaddda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo sheegay mid cabudhin iyo cadaadin ku caan baxday.

xildh. xoogMudane Cabdiraxmaan Xoog oo u warramay qaar kamid ah warbaahinta, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo maanta bulshada kula dhaqmayo dhaqamo uu shalay ceeb u yaqaanay oo uu caai jirey xilligii uu mucaaridka ahaa, kuwaas oo haatan la quruxbadnaanay sida uu Hadalka u dhigay.

Mudane Cabdiraxmaan Xoog, ayaa Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay mid musuq iyo xatooyo badani ka muuqato, isla-markaana Gacmaheeda ay ka buuxaan heshiisyo xaaraan ah oo aan Golaha Baaralmaanka laga soo ansixinin,

“Madaxweyne Siilaanyo wuu cabaadi jirey wuxu odhan jirey Saxaafadii baa la cabudhiyay, Xildhibaanadii ayaa laga horjoogsadey,Baarlamaankii haamihii batroolka ayaa lacagtoodii la cunay,haamaha batroolka oo kale waxa gacanta ku hayay Hay,ad International ah oo layidhaa Total oo maalgalisay Hay,adii inta laga qaadey ayaa loo sameystey Local NGO lacagta haamaha Shidaalka Berbera xaga dambe ayaa laga soo galiyaa Madaxtooyada wuxu odhan jirey lagama ansixiyo Total oo heshiisyada lala galo Shirkadaha lama horkeeno Baarlamaanka,wax ala wixii uu ka hadli jirey Siilaanyo wuu ka weecday haseyeeshee, Siilaanyo maanta damibaba maleh maanta waa marfuucal qalim dad kalaa wata oo ku shaqeysta magaciisa Siilaanyo maanta waa odaygu wuu daaley dad kalaa ku shaqeysta magaciisa,waxaan leenahay waar odeyga hagardaamada iyo jiidjiidka ka daaya,doorasho ma gali karo odeygu sidii Xabiib burqiibana magaciisa nalagu maali maayo sidii hashii maqaarka lagu maali jirey,Siilaanyo haduu Doorasho doonayo Cabdiraxmaan-Ciro dood hala galo ma ninka loo diiday in ay Jaraa,idka iyo Saxaafadu wareysato ayaa Doorasho gali kara Dood ayaanu diyaar ula nahay Barnaamijkiisa hasoo bandhigo Siyaasadeed Gudoomiyaha Xisbiga Wadani wuxu diyaar ula yahey inuu dood la galo haduu Doorasho doonayo anagu maxlal dooni maynee al miidaan waasac fagaaraha ha iskeeno doodna hala galo Gudoomiyahaga”Ayuuy idhi Xildhibaan Xoog.

 

Mudane Xoog, waxa uu hadalkiisa kusoo daray erayo uu ku durayo Awood qarsoon oo dadka qaarkii ku sheegaan inay Leeyihiin Kooxo haween ah oo madaxtooyada si weyn ugu xidhani, waxana uu  ka Marag kacay inay Kooxdaasi jirto, isla-markaana ay Muhiimaddu talada dalku gacanta  ugu jirto Koox aan khibrad lahayn, isla-markaana aanay bulshadu dooranin, waxana uu yidhi,.

“Anigu xaga madbakha iyo taataaban maayo oo Madbakhu wuu awood badan yahey,baa layidhi laakiin anugu afka ku dhufan maayo Magac haseyeeshee,dhalinyaro badan oo Sablaale iyo Dujuuma iyo Iskuula kaga soo baxey,oo 1970kii dhashey ayaa meesha haystaa layidhi”Ayuu yidhi.

Mudane xoog ayaa ah mudanihii ugu dhaliisha adkaa ee waayadan dambe wax kasheega xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana la filayaa inay Xildhibaanada xukuumadda Taageeraa dhawaan Jawaab siiyaan, maadaama uu hadalkiisani noqon doono mid aan la soo dhaweyn dhinaca madaxtooyada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed