Odey Hanjabaaddiisa Awgeed Loo Fadhiisiyey Diyaarad Uu Rakaabkeeda Ka Mid Ahaa
Los Angeles 13. March 2017 (SDN/QJ):- Diyaarad Rakaab ah oo laga leeyahay Dalka Maraykanka, ayaa waxay u caga dhigatay si deg-deg ah, kadib markii mid ka mid ah Rakaabkii diyaaraddu uu buuq ka dhex sameeyay Diyaaradda isla-markaana uu diiday in uu bixiyo $12 oo ahayd qiimaha Buste uu dalbaday in uu huwado.
Rob Rodragon oo ah Afhayeenka ciidamada Bileyska ee Magaalada Los Angeles oo dhacdadan ka hadlay ayaa yidhi, “Nin ay Da’diisu tahay 66 jir ayaa waxa uu diiday in uu bixiyo lacag lagaga kireeyay Buste uu rabay inuu huwado, kadib markii uu ka cawday Qabaw aad u daran oo ka jiray Diyaaradda gudaheeda . Qiimaha lagu kiraynayey bustahaasi ayaa waxa uu ahaa $12, waxaanu dagaal la galay mid ka mid ah shaqaalihii Diyaaradda, arrintaasina waxa ay sababtay in ay Diyaaraddu si degdeg ah u caga dhigato iyada oo aan gaadhin goobtii ay u socotay.”
Odayga ku dhex dagaalamay diyaaradda ayaa waxa uu ku andacooday inuu xaq u leeyahay helitaanka bustaha isla-markaana aan xaq loogu lahayn in laga qaado 12$, sababta kaliftay in diyaaraddu si kadis ah u cago-dhigato ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay in ninkani uu hanjabayay shaqaalaha isla-markaana u sheegay in uu ka aar-goosan doono, laakiin Diyaaraddaa ayaa cago-dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Los Angeles.
Ciidammada FBI-da oo markii Diyaaraddu fadhiisatay gudaha u galay, ayaa sheegay in hanjabaadda Odeygu ay ahayd mid aan waxba u dhimaynin Ammaanka diyaaradda iyo Rakaabkeeda.