|

Odaygii Khaatumo Xumida ku dhintay ee Saalax Badbaado oo Dhalasho ahaan Somaliland ka Soo Jeeda,Aflagaado uu Dhimashadiisa ka Hor u Jeediyey Xaaji Cabdi Waraabe iyo Shacabka Somaliland oo uu Damiirkooda Caayay DAAWO

Muqdisho, 28 July, 2016-(SDN/QJ):– Warbaahinta taageerta Shabaab ayaa sheegtay in mid kamid ah qaraxyadii doraad ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho uu fuliyay mid kamid ah xildhibaanadii hore ee dawladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Saalax Nuux Ismaaciil (badbaado) oo Da’diisu ka weynayd 50 Sanno Jir,Isla markaana dhalasho ahaan ka soo Jeeda Somaliland.

badbaadoSaalax Badbaado ayaa warbaahinta Shabaab sheegtay inuu kasoo baxay hawlaha dawladda sanadkii 2010 uuna kusoo biiray kooxda Shabaab.
Waraysi laga sii duubay ka hor hawlgalkii Qaraxyada ee Madaarka Muqdisho iyo Dugsiga Xalane oo laga baahiyay raadiyaha taageera Shabaab ee Al-andalsu.
Odaygan Khaatumo Xumida ku dhintay ee Saalax Badbaado waxa uu ahaa macallin dugsi quraan iyo nin dadka wacdiya,Waxa uu ku dhashay Gobolka Sanaag Halkaas oo uu wax ku bartay.
Wuxuu Odaygani fariin u diray dadka Somaliland oo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay hawsha uu fuliyay,Isagoo Ku Booriyey in Wax uu ugu Yeedhay Jihaadka Ilaahay u Istaagaan.
Inkastoo aysan dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga hadlin arrintan ayaa waxaa arrintan ay aad uga fajicisay dad badan, waxaana la isweydiinayaa, waxa xildhibaan hore oo haddana da’adiisu ay ka badneyd 50 sano ku kalifi kara in weerar noocaasi ah uu fuliyo.

Comments are closed