|

Odayaasha Mudug oo cambaareeyay dil loo geystay qoys reer guuraa ah

Gaalkacayo 13.Aug (SDN) Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda koofurta magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta cambaareeyay dil habeen ka hor loo geystay dad reer guuraa ah oo ku sugnaa inta u dhaxaysa deegaannada Qarqoora iyo Godad ee gobolka Mudug.

Kaddib kulan ay isugu yimaadeen odayaashan ayay ku sheegeen in wax laga xumaado ay tahay dilka qof haweeneey ah iyo dhaawaca 3 kale oo isku qoys ahaa loogu geeystay deegaan ku yaalla gobolka Mudug.

Afhayeenka odayaasha maamulka Galmudug, Yaasiin Maxamed Gaani oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay ka dhaleeceenayaan dhacdada, wuxuuna odayaasha kale ee ku sugan gobolka ku booriyay in ay ka hortagaan falalka nuucaani oo kale ah.

Wuxuu tilmaamay in arrintan ay la xariirto aano qabiil, isla markaana dadkan rayidka ah ay xusuuqday koox ku hubeysneyd qoryaha daran-dooriga u dhaca.

Muddooyinkii dambe ayaa gobolka Mudug waxaa caadi ka ahaa dilalka ku salaysan.

Gaalkacayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed