|

Odayaal uu Soo Abaabulay Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Magaalada Burco Kaga Hadlay Dhawaqyo Naxdin Ku ah Ummada Somaliland DAAWO

Burco 02. January 2017 (SDN/QJ):- Madax dhaqameedka Aqoon-yahanka iyo Waxgaradka Deegaanka Cali Ciise ee Gobolka Togdheer oo Warbaahinta Dawlada la hadlay ayaa Sheegay inay Gef tahay in la Aflagaadeeyo loona hanjabo Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
Warkan ayaa Laga Baahiyey Idaacada Radio Hargaysa Iyo Telefishanka Qaranka Kaas oo Laf Jab ku ah Milgaha Saxaafada Maadaama uu Kicinayo Dareenka Bulshada,Sidoo Kale Waxaa Muuqata in Wasiir Caddaani in Isagoo ka Faa’iidaysanaya Awoodiisa Maamul ee Warbaahinta Qaranka inuu Ku Tagri Falo Hantidii Ummadu wada lahayd Isla Markaana uu ka Baahiyo Warar Nusqaan ku ah Shakhsiyadiisa.

Comments are closed