Odayaal Beesha Bariga Burco (H/Jeclo) Ka Tirsan Oo Ku Dhawaaqay In Ay Maamul Samaysan Doonaan Haddaan Degdeg Loo Fulin Dalabyo Adag Oo Ay U Direen M/Siilaanyo
Burco 12. February 2017 (SDN/QJ):- Afhayeen u hadlay Beesha uu ka soo jeedo alle ha u Naxariistee Marxuun Sarkaal Boolis Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud ee sannadkii hore lagu dilay Magaalada Berbera ayaa si adag uga hadlay go’aamo uu sheegay in laga soo saaray kulamo xidhiidh ahaa oo Beeshaasi (Habar jeclo) ay ku lahaayeen muddo badan deegaanada Xiis oo Sanaag ah Illaa Karin oo Saaxil ah isaga oo sheegay in ay beeshu diyaar u tahay in ay aarsato sida ay hadalka u dhigeen iyaga oo si ba’an u eedeeyey Madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisa kuna dhawaaqay haddii aanay beeshaasi helin waxa ay xaqa u leedahay in ay ka fiirsan doonaan in ay deegaanadooda kaga dhawaaqaan Maamul Goboleed u gaar ah sida au hadalka u dhigeen.
Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen odayaal, waxgarad, aqoonyahano iyo Madax-dhaqameed cuqaan u badal oo ka qabsoomay Magaalada Ceerigaabo ayaa laga soo saaray qodobo dhawr ah oo ay ku sheegeen in xaqii ay u lahaayeen in loo qisaaso ciddii dishay Taliye Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud aan lagu dhiirran Madaxweyne Siilaanyona si badheedh ah u diiday sidaa darteed ay aarsan doonaan.
Kulankaasi ay odayaasha beeshani isugu yimaadeen ayaa laga akhriyey go’aamo sidan u dhigaa: “Tan iyo markii aannu go’aanka Madaxweynaha ula tagnay ee ciddii aannu I igmannay in ay kala soo hadlaan arrinkaasi u dirnay ee uu sida badheedhka ah ee axmaqnimada ah u diiday waxa aannu shirar adag isugu nimid Gobolka Sanaag waxa aannu isaga kala nimid min Xiis illaa iyo Karin Berbera. Waxa aannu abaabulaynay colaad dagaal oo Madaxweynuhu galay. Waxa aannu go’aan ku gaadhnay in dadka la isku soo celiyo oo la qaato Go’aamo sidaasaanan ku shaacinaynaa go’aamadan ka soo baxay shirarkaasi ay beeshu wada qaadatay waana go’aamo kama dambays ah, Haddaa Cali Dhagoole dhuubsade ku daray dhagarkii saarnayd. Haddii Inaadeerkii Wasiir noqday oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay yaan cidna la dilin oo uu ina dhagoole badbaadinayo annaguna Inaadeerkayo waannu u aaraynaa waana mid dhici doonta oo maanta imanay. Go’aamada Beeshuna waa sidatan:
1- Haddii aannu nahay Beesha uu ka soo jeedo Marxuun Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud oo la dilay 1/03/2016 waxa aannu maanta joognaa 8/02/2017 waxa aannu samraynay muddodaasi sannadka ah. Haddaba raggii la midka ahaa ee saraakiisha ciidamada ahaa waa la dilay oo waxa lagu dilay Magaalada Berbera gudaheeda muddo saddex cisho gudahood ah sida ninkii dilay taliyihii birmadka.
Waxa halkaasi ka cad in dadku kala sarreeyo oo beesha Ciise Muuse ay Magaalada Berbera ku hanjabayso Berbera ayaa burburi doonta haddii dadkayaga la laayo laakiin Go’aanku waxa uu ahaa in maanta dadku sinnaadaan. Waa la waayay sinnaan iyo caddaalad Markii ay maxkamaddu xukuntay gacan ku dhiiglayaashii hawshaa ku lug lahaa ee la hor geeyey maxkamadda ee aannu xukunkii Madaxtooyada horteeda gaynay ee aannu Madaxweynaha u gaynay in uu fuliyo. Waxa aannu Madaxweynaha ka filaynay in uu noo qisaaso dadka wixii la hayo taana Madaxweynuhu wuu diiday si badheedh ah oo cad.
2- Mudane Madaxweyne dadka iyo dalkaba adiga ayaa ka masuul ah. Wixii shar iyo khayr yimaaddana adiga ayaa ka masuul ah aakhirana adiga ayaa lagaala xisaabtamayaa wixii ifka joogana adiga ayaa lagaala xisaabtamayaa. Haddii uu Maxamed Siyaad Barre ragga iyo haweenka simay aduu waxaad tidhi maba jirto qisaastani oo dimuquraadiyadda ayaa sidaa I fartay taasina ma aha wax aannu u dul qaadanayno.
3- Mudane Madaxweyne, haddii aad qisaastaasi aannu xaqa u leenahay indhaha ka qarsato ee hortaada taalla cawaaqib xumada ka timaadda adiga iyo maamulkaaga ayaa ka masuul ah. Qaranka yaalla Berbera Illaa Xiis waxa uu noqon doonaa in ay samaystaan Maamul Goboleed. Waannu ku dhawaaqi doonaa cidna uga haybaysan mayno haddii aad fulin waydo.
4- Dhammaan Bulshada reer Somaliland culimo, Cuqaal, codkar, waxa aannu u sheegaynaa in sarkaalkii lagu dilay Degmada Berbera ee Gobolka Saaxil waxa loo xidhxidhay dad ku hawlanaa shirqoolkaasi reeraysan waana la sii daayay. Culimada reer Hargeysa waxa ay si xoog leh uga hadlaan oo ay muddo dhan la qaylinayeen marka qofkooda la dilo laakiin marka ay iyagu dadka dilaan ma hadlaan culimada reer Hargeysa.
5- Madaxweyne haddii aad fulin wayno waxa aannu xaqa u leenahay annaga ayaa fulin doona waxa aannu xaqa u leenahay waana go’aan ay beeshu qaadatay oo kama dambays ah waana digniintii ugu dambaysay. cid kasta oo naga mid ahina heegan ayay u tahay in ay hubka u qaadato sidii ay kaaga hor iman lahayd adiga iyo cidkii dadkayaga dilayba”.